Home / Arrimaha Bulshada / Shirka isbeddelka cimilada oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho
Gunaanadka shirka isbeddelka cimilada

Shirka isbeddelka cimilada oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Himilo – Ururrada Somali Greenpeace Association (SOGPA) iyo Action 4 Environment (A4E) oo kaashanaya hay’adaha UNPD iyo Sida ayaa magaalada Muqdisho ku soo gaba-gabeeyay shir ku saabsanaa arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada.

Shirka ayaa horudhac u ahaa kulan weynaha ay dunidu ka yeelaneyso sidii wax looga qaban lahaa raadadka taban ee ka dhashay isbeddelka cimilada kaas oo isla bishan November ka furmaya magaalada Sharm El-sheikh ee dalka Masar.

Shir weynahan oo soo qabsoomayay taniyo 1995 waxaa lagu wadaa in sanadkan diiradda lagu saaro sidii loo dhaqan gelin lahaa natiijooyinka shirarka si aysan u noqon kuwo afka ku ek oo aan horseedin isbeddelka wax ku oool ah oo lagu nasto.

Dawladaha iyo goob jooye-yaasha kale  ayaa miiska  soo saara waxyaabaha mudnaanta u leh ee ay tahay in la wajaho. Dawladaha horumaray ee qiiqa hawada ku siidaaya oo shirarkii hore ku ballan-qaaday inay lacag siinayaan dalalka la dhibtoonaya isbeddelka cimilada ayaa mar kale lagu adkeyn doonaa inay ka dhabeeyaan yaboohooda.

Labo maalin oo uu socday shirka gogol dhigga u ahaa madashaas (COP 27) waxaa lagu gorfeeyay sida ugu macquulsan ee lagu heli karo qoddobo dan u ah dadka Soomaaliyeed oo lala tagi karo kulan sanadeedka lagu qaabeeyo laguna gaaro go’aanada marba loo arko xalka isbeddelka cimilada.

Ka qeyb galayaasha oo u badnaa xubno u ol’oleeya arrimaha degaanka ayaa ka mideysnaa inay Soomaaliya dhibbane u tahay mahadhada ka dhalatay isbeddelka cimilada oo goor horeba raadeysay nolosha beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo kalluumeystada isla markaana ay lama huraan tahay inay helo caddaalad u hiilinaysa dhibbanayaasha isbeddelka cimilada.

Kulanka waxaa laga jeediyay xogo ka marag kacayay dhibaatada ay dadkeennu ka dhaxleen isbeddelka cimilada sida colaadaha oo badankood salka ku haya kala riixashada daaqa, dhul ballaarsiga iyo ilaha laga helo biyaha.

Ugu dambeyn shirka waxaa lagu soo xiray war-murtiyeed guntiisu aheyd inay muhiim tahay in loo midoobo xal u helidda mushkiladaha ka farcamay isbeddelka cimilada sida roob la’aanta, kuleylka daran, barakaca, fatahaadaha iyo wixii soo raaca.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan