Home / Arrimaha Bulshada / Shirkad ceyrisay shaqaale cunay cunto uu u waday macaamiil

Shirkad ceyrisay shaqaale cunay cunto uu u waday macaamiil

Himilo FM – Shirkadda Zomato ee u daabusha cuntada xaafadaha iyo goobaha ganacsi ee dalka Hindiya ayaa shaqada ka ceyrisay mid kamid ah shaqaalaheeda oo muuqaal la duubay ka soo muuqday isaga oo cunaya cunto uu u waday macaamiil.

Muuqaalka oo lagu duubay Madurai oo katirsan koonfurta Hindiya ayaa muujinaya nin xeran fanaanada shirkadda islamarkaana cunaya cunto kaddibna ku celinaya qeyb kamid ah boorsada daabulida.

Waxaa la daawaday muuqaalka kumanaan jeer iyadoo shirkadda shaacisay inaysan u dulqaadan karin in lagu ciyaaro cuntada macaamiisha loo daabulayo oo ay soo codsadeen.

Waxay qoraal ku sheegtay Zomato inay garowsatay in ninka shaqaalaha  uu cunay qeyb kamid ah cuntada macaamiisha sida ka muuqata muuqaalka.

“Waan la hadalnay, inkastoo khalad bini’aadam ka dhacay uu yahay haddana waan ka saarnay shaqada,” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Zomato oo ah shirkad daabusha cuntooyinka dadweynaha soo dalbadaan ayaa sidoo kale xustay inay qaadan doonto tallaabooyin kahortag u noqda dhacdooyinka nuucaan oo kale ah.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan