Home / Macluumaad / Shirkad Mareykan ah oo lacag ku bixisa hurdada Shaqaalaheeda

Shirkad Mareykan ah oo lacag ku bixisa hurdada Shaqaalaheeda

Shirkadda ceymiska “Etna” ee reer Mareykan oo shaqaalaheeda ku dhiirogelinaysa hurdada ayaa sheegtay abaal marin lacageed inay gudoonsiineyso qofkii xilli wacan seexda habeenkii.

Etna arrintan waxaa ku qasbay walaac ay ka qabto in hurdo la’aanta ay saameyso shaqada shirkadda, sidaas darteed waxa ay ku dhiirogelisay inay ka wada qeyb galaan barnaamij lagu abaal marinayo ruuxii seexdaa 7 saac wax ka badan Habeenkii.

Waxa suuragal u ah ka qeyb galayaasha barnaamijkaan ruuxii seexdaa 7 saac iyo wax kabadan 20 habeen oo is xigta inuu abaalmarin ahaan u helayo $25, iyadoo haddii uu sidaas joogteeyo hawlwadeenku Muddo sanad ah uu helayo $300.

Nidaamkaan ayay shirkaddu soo rogtay sanaddii 2009, waxaana sanadkii lasoo dhaafay abaalmarino ku helay 12kun oo kamid ah shaqaalaha shirkadda oo wadartoodu dhantahay 25kun, tiradaan ayaana ah mid ka badan tiradii sanadkii hore ee 2014, xilligaas oo ay ka faa’ideysteen 10kun oo ruux.

Qaar kamid ah shaqaalaha ayaa adeegsan kara mashiin ku xiran Computerada shirkadda oo sheegaya inta uu jiifay qofka, halka qeybta kalena ay iyagu soo qoran karaan saacadah ay hurdaan shirkadduna ay ku kalsoontahay xogta uu soo gudbiyaa qofku.

160630144702_the_company_that_pays_its_staff_to_sleep_640x360_thinkstock_nocredit

“Kai Money” Ku xigeenka madaxweynaha shirkadda”Etna” ayaa sheegtay in nidaamkaan ay faa’ido ugu jirto shaqaalaha islamarkaana uu yahay mid kamid ah dhaqamada caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladooda.

Mrs Kai intaas ayay sii raacisay shaqaalaha shirkadda dhiirrogelinno dheeraad ah iney helaan haddii ay sameeyaan jirdhis, iyadoo tilmaantay ujeeddadu inay tahay sare in loo qaado waxqabadka shirkadda”Etna” oo tartan kula jirta shirkado waa wayn.

Mar wax laga weydiiyay gabadhaan haddii qaar kamid ah shaqaalaha lacagta qaataan iyagoon seexan saacadihii leysku ogaa ayay ku jawaabtay “Maya, walwalkaas inama hayo oo waxaan ku kalsoonnahay shaqaalaheenna”.

Go’aanka Etna ay ugu dhiirragelinayso hawlwadeenadeeda hurdo ku filan inay qaataan ayaa yimid xilli cilmi baarisyo badan ay tilmaamayaan in hurda yarida ay saameyn ku yeelan karto shaqada qofka.

Sida laga soo xigtay akademiyada caafimaadka hurdada sanaddii 2011, Mareykanka oo keliya qofka shaqaalaha ah waxa uu lumiyaa 11.3 maalin oo shaqo ah una dhiganta lacag ahaan $2280 oo wax soo saar ah, taasna waxa ay keenaysaa in uu khasaaro dhaqaalaha Mareykanka  $63.2 Milyan.

Cilmi baaris kale oo ay sameysa Mus’asasada reer Yurub ee “RAND Corporation” 2015 ayaa lagu sheegay in hawl wadeenadii hurdaa wax ka yar 7 ilaa 8saac habeen walba ay ka wax soo saar yaryihiin kuwa hurda saacadahaas kabadan.

Baarayaal ka tirsan Jaamacadda California ee magaalada San Francisco ayaa sanaddii hore ka digay in hurda la’aanta hurdo kugu filan laga yaabo inay keento caafimaad darro.

Baarayaasha ayaa horey u ogaaday in shaqsiyaadka hurda in ka yar 6saac habeenkii ay afar laab uga nugul yihiin kuwa kale marka uu asiibo Virus.

 

Xigasho bbc.com/arabic

W/T: Ismaaciil Maxamed Samatar

Zeema200@Gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan