Home / Habka-Nolosha / Shirkad sameysa Robot-ka oo dadweynaha ka gadaneysa xuquuqda codkooda

Shirkad sameysa Robot-ka oo dadweynaha ka gadaneysa xuquuqda codkooda

Himilo – Shirkadda Robotics-ka ee ruushka ayaa samaysay sheeko aan caadi ahayn, oo qofkiiba looga beddelanayo  $200,000 si  uu u Bixiyo xuquuqda wejigiisa iyo codkiisa si loogu isticmaalo horumarinta robot-ka.

Shirkaddu waxay caan ku tahay inay soo saarto robots-ka dhabta ah ee aadmiga loo ekeysiiyo sannadkii 2019, Promobot-ku wuxuu soo saaray “Android Robo-C”, oo ah robot-la-dalbado  oo loo qaabayn karo muuqaalka qof kasta.

“Qof walba hadda wuxuu awoodi doonaa inuu dalbado robot leh muuqaal kasta – si xirfadle ama shakhsi ahaan loogu isticmaalo,” ayuu yiri Aleksei Iuzhakov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee Promobot, hadal uu soo saaray xilligaas.

Waqti xaadirkan, Promobot waxa ay horumarinaysaa “kaaliyaha robot-ka bini’aadamka loo ekeysiiyo kaas oo ka shaqayn doona huteelada, xarumaha laga dukaamaysto iyo meelaha kale ee dadku ku badan yihiin” – shirkadduna waxay ” raadinaysaa weji ” si ay u qaabayso.

Waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ay dhawaan soo saareen, inay “diyaar u yihiin inay bixiyaan $200,000 qofkii doonaya inuu wareejiyo xuquuqda isticmaalka wejigiisa abadiyan.”

Marka loo eego sii-deynta warkaan, da’da codsadayaasha iyo lab iyo dhedig ma laha-si kastaba ha ahaatee, wajigoodu waa inuu noqdaa mid furan.

“Shirkaddeennu waxay horumarinaysaa tignoolajiyada dhinaca aqoonsiga wejiga, iyo sidoo kale hadalka,  sirdoon macmal iyo qaybaha kale ee robotics,” ayay ku sharraxday shirkadda, war-saxaafadeedkooda. “Tan iyo 2019, waxaan si firfircoon u soo saarnay oo aan u bixinay robots bini-aadan u eg. Macaamiishayada cusub waxay rabaan inay bilaabaan mashruuc ballaaran, sidaas darteedna, waxay u baahan yihiin inay shati ku siiyaan muuqaal cusub oo robot ah si looga fogaado dib u dhac sharci.”

Gaar ahaan, “dalabka robot-ka cusub waxaa dhigay shirkad Mareykan ah. Waxa ay intaa ku dareen in Robot-kan uu hawlihiisa bilaabi doono sanadka 2023-ka

Laga bilaabo Isniinta, waxay u muuqataa in Promobot uu joojiyay aqbalida codsiyada.

“Maanta waxaan helnay in ka badan 20,000 oo codsiyo, waxaan go’aansanay inaan joojino ururinta codsiga. Waxaan rabnaa inaan u mahadcelinno dhammaan ka qaybgalayaasha,” ayaa lagu sharraxay  bogga Promobot.

Macluumaadka aan hadda laga helin goobtooda waxaa ka mid ah hal faahfaahin oo muhiim ah: codsadaha la doortay waa inuu sidoo kale siiyaa shirkadda xuquuqda codkiisa, ayuu sheegay Indy100.

Habka abuurista robot-ka bani-aadmiga loo ekeysiinayo waxa ka mid noqon doona samaynta qaabka 3D ee wejiga iyo jidhka codsadaha,Waxay sidoo kale ku qasbanaan doonaan inay duubaan ilaa 100 saacadood oo hadal ah si ay u bixiyaan agab codka robotka.

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan