Wax uga weyn majiro qofka bini’aadamka ah inuu helo farxad joogto ah waayo markaad farxad hesho ayaad wax qabsan kartaa.
Farxaddu waa furaha nolosha waana mid caafimaadka qof ka ka qeyb qaadata, majiro qof aanan raadin farxad oo dadka oo dhan ayaa wada raba laakiin waxa ay su’aal ka taagantahay waxyaabaha farxadda keena ama qofka u horseeda.
Baarayaal ayaa baaritaan arrintan ka sameeyay waxa ay sheegeen in waxa farxadda keena aysan tiro laheyn balse ay jiraan kuwa ay ogaadeen in saameyntooda ay badan tahay.
Qodobada soo socda ayay baarayaashu sheegeen in farxadda ay ku lug leeyihiin
1) Aroorta hore ee qofku uu kaco
Aroor hore oo aad hurdada ka kacdaa waxa ay kordhisaa caafimaadkaaga waxayna kaa dhigaysa qof firfircoon oo wax badan qorsheysan kara , waqtina u hela inuu cibaadeysto.
2) Aqrinta badan
Arrintan oo aan sidaasi u sii dhib badneyn ayaa qofka ka dhigta caado ama dhaqan ayaa farxad badan dareema waayo mar walba waxa uu saaxib dhow la noqonayaa macluumaad cusub.
3) Isa saamaxa ama cafinta
Qofna inaadan uur-kutaallo u qaadin dadkana aad saamaxdo ama aad cafiso una damqato waxa ay ku siineysaa farxad iyo guul.
4) Hufnaanta qofka
Run sheegga iyo hufnaanta ayaa ah mabaadi’ bini’aadanimo oo dad badan ay ku adagtahay inay caado ka dhigtaan, haddii aad la daristo oo aad dhaqan ka dhigato waa hubaal inaad kamid noqon doonto dadka ugu darajada sareeya ee guuleysta hadana farxad hela.
5) Caafimaadka waa tiirka farxadda
Caafimaadka Alle ayaa baxsha oo bini’aadam gacantii kuma jiro hadana sidaa oo ay tahay waxaa mar walba wanagsan inaad caafimaadkaada ku dadaasho, waxay ku siin farxad keenaysa inaad ka miro dhaliso himilooyinka aad hiigsaneyso.
6) Kalsoonida nafta
Majiro wax kalsoonida ka weyn oo farxad keena , kalsoonida waa furaha guusha ,waana wax kugu kalifaya inaadan gadaal eegin oo aadan dib u fiirin wixii ku soo maray balse aad eegto sidii aad ugu diyaar garoobi laheyd mustaqbalka baqdin la’aan.
7) Xushmeynta dadka kale
Inaad noqotaa qof dadka xushmeeya, dhageysta, ilaaliya dareenkooda waxay mas’uul ka noqon kartaa inaad hesho farxadda aad u baahantahay.
8) Hurdada habeenkii waqti kugu filan
Hurda kugu filan oo aad heshaa habeenkii waxay kuu keenaysaa caafimaad badan , waxay kaa dhigaysaa qof firfircoon maalintii oo shaqooyinkiisa guta daalna aan dareemin.
Xigasho: ABC
W/T: Mahad Mohamed Ali
Email: Mahat335@gmail.com
Facebook.com/Mahad Mohamed Ali.