Home / Arrimaha Bulshada / Sidee ayay abaartu u saameysay nolosha qoysas ku tiirsan iibinta hilibka?

Sidee ayay abaartu u saameysay nolosha qoysas ku tiirsan iibinta hilibka?

duruufaha kale ee ay dadkeennu la daalaadhacayaan waxaa ka mid ah abaaro xiddideystay oo naafeeyay wax soo saarkii iyo noloshii reeraheenna.

Marka laga hadlayo raadka aan la mahdin eek a dhashay abaarta bilowga hore waxaa ugu soo dhacaya beeraleyda iyo dadka xoolaha ku dhaqda degaanada miyiga ah balse saameynta abaarta intaas way ka qoto dheer tahay.

Qoysas badan waxay u saameysay si dadban marka laga tago kuwa ay tooska u taabahan noloshooda maalinlaha ah, qaar ka mid ah qoysaska deggan magaalooyinka ayay abaartu ugu tagtay aqalladooda.

Qoysaskaas waxaa ka mid ah qoyska Sahra Xasan Maxamuud. Nolosha qoyskan ayaa ku tiirsaneyd iibinta hilibka balse abaarta ayaa saameysay noolihii la qali jiray ee magaalada la keeni jiray.

Sahra in ka badan soddon sano ayay hilibka ka biileysay carruurtooda iyo kuwo ay ayeeyo u tahay. Nolosha iyo waxbarashada carruurta iyada ayaa ku filneyd balse markan waxay u baahan cid kabta oo nolosha ka caawisa.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan