Home / Arrimaha Bulshada / Sidee ayay shaqo abuur ugu noqdeen goobaha dal-xiiska dhallinyarada sawirrada qaadda?

Sidee ayay shaqo abuur ugu noqdeen goobaha dal-xiiska dhallinyarada sawirrada qaadda?

Himilo – Sanadihii dambe magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay goobo loo diyaariyay inay dadweynaha ku qaataan wakhti nasiino iyo dal xiis ah. Maalmaha isbuuc dhamaadka iyo ciidaha waxaa booqda waalidiin carruurtooda ay wehliyaan iyo dhallinyaro doonaya inay ku soo galaan sawirro xasuuseed.

Waxaa intaas dheer dadka muuuqaalada u sameynaya barahooda bulshada sida facebook, You Tube iyo Tiktok kuwaas oo ku soo duubta muuqaallo il qabad leh.

Sanaddo ka hor waxaa yaraa goobaha dhirta iyo agabka kale lagu qurxiyay ee loo dal-xiis tagi karo balse maanta waxaa la heli karaa meelo kala duwan oo magaalada gudaheeda iyo bannaankeedaba ku yaalla.

Marka laga tago inay goobahan dadka u noqdeen il doogsi ay isku hil-maansiiyaan culeysyada. Geesta kale waxaa jira boqollaal dhallinyaro u badan oo maaalinle ugu shaqo taga, waxaa ka mid ah Shaafici Sh Cabdi Nuur oo dadka yimaada Beerta Banaadir ka qaada sawirro.

Wuxuu ku shaqeystaa Kaamiro , wuxuu maalinle uga helaa lacag uu kabo nolosha qoyskooda, wuxuu sidoo kale ku duubta  muuqaallo kookooban oo uu dhigo bartiitsa Tiktok.

Wuxuu intaas u daray inay shaqadan u noqotay midkii ku gaaray isku filnaan dhaqaale isagoo xusay inuu ku caawiyo walaalihii oo waxbarasho ku jira iyo hooyadii.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan