Home / Habka-Nolosha / Sidee ayuu David oo naafo ka ah maqalka u caawiyaa dadka dhibaateysan?

Sidee ayuu David oo naafo ka ah maqalka u caawiyaa dadka dhibaateysan?

Himilo- Waa 49 jir naafo ka ah maqalka, waxa uu socod ku maraa Waddooyinka Ingiriiska habeen kasta isaga oo caawinaya dad aanan sidiisa oo kale naafo aheyn balse wajahaya dhibaatooyin kale.

David Rossel ayaa ku guuleystay in uu toddobo qofood ka badbaadiyo ismiidaamin markii ay damceen in ay ka taqalusaan naftooda.

Isaga oo u waramaya wargeyska Metro, David ayaa sheegay in uu habeen la kulmay haweenay dooneysay inay ka taqalusto nafteeda oo ku dhaweyd inay isku tuurto badda.

Waxa uu intaa raaciyay in haweenayda ka cabanaysay murug darran markii ay weyday wiilkeeda.

“Waxaan u sheegay in wiilkeeda uusan jeclaan laheyn in uu ku arko xaaladan, waan ku qanciyay,” ayuu yiri David.

Mr David oo aan wax qorin islamarkaana aan qaadan waxbarasho carruurnimadiisii ayaa dadka walwalsan ee doonaya inay ismiidaamiyaan waxa uu uga sheekeeyaa culeysyada uu nolosha ka maro sida tacaddiyada loo geysto isaga oo ah qof naafo ka ah maqalka.

Gunnaanadkii, Mr David ayaa tilmaamay in naafanimada ka dhigtay qof fahmi kara dareenada dadka gaar ahaan kuwa ka quustay nolosha ee wajahaya caqabadaha kala duwan.

About Mahad Mohamed

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan