Himilo- Madaxa fulinta bankiga ugu weyn Jarmalka ayaa la kulmay xaalad maaliyadeed oo adag oo ku qasabtay in uu lacag ka ammaahdo darawalkiisa gaarka ah.
Christian Seven oo ah madaxa fulinta bankiga Deutsche Bank Group ayaa qirtay in uu lacag ka ammaahday darawalkiisa gaarka ah kaddib markii uu oggaaday in uusan heysan lacag ku filan isaga oo ka qeyb galayay barnaamij lagu qabtay magaalada Düsseldorf.
Mar la weydiiyay lacagta ku jirtay jeebkiisa, Seven ayaa ku jawaabay in duruufta ku kaliftay in uu lacag ka ammaahdo darawalkiisa isagoo intaa raaciyay inay ahayd deyn ku-meel-gaar ah.
Madaxa bankiga Deutsche Bank ayaa xusay in uu wali heysto hab dhaqameedka hore ee lacagta kaashka wax looga iibsado.
Waxaa xusid mudan in Jarmalka oo kamid ah dalalka ugu dhaqaalaha xooggan caalamka in xarumo badan aysan aqbalin qaadashada kaararka lacagta.