Home / Macluumaad / Sidee ayuu u dhacaa Ictikaafka bisha Ramadaan?

Sidee ayuu u dhacaa Ictikaafka bisha Ramadaan?

Himilo – Ictikaafku wuxuu dhacaa inta lagu guda jiro tobanka beri ee ugu dambeeya bisha Soonqaad. Micno ahaan waa in lagu sugnaado masaajidka mudadaas.

Qorrax dhaca maalinta 20-aad ee Ramadaan ayuu billowdaa Ictikaafku, wuxuuna dhammaadaa marka la arko bisha Soonfureed. Inta uu socdo, dadka cibaadeysanaya waxay joogayaan masaajidda.

Dadka u ban baxa hawshan cibaadada ah waxay u gaaroobaan salaad tukasho, qur’aan akhrin, iyo baryada alle. Waana hawl u furan qof kasta oo muslim ah.

Culimada ayaa weriya inay hawlsha Ictikaaftu tahay sunne, marka laga tago ruuxa ku nadray inuu guto, taas oo ku hoggaamineysa inay waajib ku noqoto.

Waxyaabaha buriya Ictikaafka waxaa ka mid ah inuu qofku masaajidka ka soo baxo isaga oo aan haysan wax cudurdaar ah balse waxaa jira xilliyo loo oggol yahay inuu ka baxo.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan