Home / Arrimaha Bulshada / Sidee cunug yar ku helay Duullimaad bilaasha nolashiisa oo dhan?

Sidee cunug yar ku helay Duullimaad bilaasha nolashiisa oo dhan?

Himilo – Diyaarad  ayaa isaga kala socdaaleysay dalalka Sacuudi Carabiya iyo India, markii haweeneey ka mid ahayd rakaabka uu xanuun kadis ah qabtay.

Duullimaadka oo ku wajahnaa magaalada Kochi ee ku taala koofurta India, ayaa waxaa lagu qasbanaaday in loo weeciyo dhanka Mumbai, si hooyada ay halkaasi ugu umusho.

Balse ma aysan noqon oo hooyadii waxey ku umushay diyaaradda, iyada oo ay caawiyeen qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradda.

Maamulka shirkadda diyaaradeed ee Jet Airways- oo hooyada uurka lahayd ku safreysay-, ayaa u ballan qaaday cunugga yar tikid duulimaad oo bilaash ah inta uu nool yahay.

Waa wax nadir ah in ilmo yar ay ku dhshaan diyaarad gudaheed, waxaana dhacda in inta badan hooyooyinka bila-dhammeyska ah aanan badi loo ogolaan inay galaan safari diyaaradeed haddii aysan jirin xaalad caafimaad oo qasbi karta.

Shirkadda Jat Airways, ayaa ku biirtay shirkado horey u sameeyay ballanqaadyo nocaas ah, kuwaas oo ay kamid tahay Thai Airways iyo AirAsia.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan