Sidee Islaamku ugu faafay Hindiya?

Muqdisho – Maanta, dhulkii la oran jiray bar-qaareedka Aasiya ee Hindiya, Pakistan iyo Bangladesh, waxaa ku nool wax ka badan 500 oo malyuun oo Muslimiin ah—taas oo ka dhigan mid kamid ah goobaha ugu badan ee Muslimiinta dunida kaga nool yihiin. Taniyo soo galistii Islaamka dalka Hindiya, wuxuu door muuqda ku yeeshay deegaanka iyo dadkiisa.
Eegga, aragtiyo dhowr ah oo ku saabsan sida Hindiya ku noqotay meel ubuc u ah tira ballaaran oo Muslimiin ah ayaa jira. Siyaasad ahaan, qaarkood sida Dhaqdhaqaaqa Hindutva ee Hindiya waxay isku dayaan inay Islaamka ka saaraan Hindiya iyaga oo ka dhigaya shisheeye. Taasi waxay u daliishadaan iyaga oo tilmaamaya in Islaamku kaliya ku yimid halkan duullaannadii Muslimiinta Carabta iyo Pershian-ka. Hayeeshe, runtu, si kastaba, way ka fog tahay middaas.
-Muslimiintii ugu horreeyey ee Hindiya-
Xittaa kahor noloshii Suubanaha NNKH ee 600 Milaadiyada, gedisleydii Carabta waxay xiriir wadaag ahaayeen Hindiya. Ganacsatadu waxay si joogto ah usoo booqan jireen xeebaha galbeed ee Hindiya si ay u kala baayac-mushtaraan.
Dabci ahaan, markii ay Carabtu biliowday inay Islaamka qaataan, waxay sidoo kale diintoodii cusbeyd usoo qaadeen xeebaha Hindiya. Masjidkii ugu horreeyey ee Hindiya, oo ah Cheraman Juma oo ku yaalla Kerala, waxaa la dhisay sanadkii 629-kii oo ku beegan noloshii Suubanaha NNKH. Waxaana dhisay Muslimkii ugu horreeyey ee Hindiya ka yimid oo lagu magacaabay Cheraman Perumal Bhaskara Ravi Varma. Dhex-jibaaxista ganacsigii joogtada ahaa ee ka dhaxeeyey Muslimiintii Carabta iyo Hindida, Islaamku wuxuu ku socday inuu kusii fido magaalo-xeebeedyada Hindiya—u hayaamid “immigration” iyo Islaamid “conversion” labadaba.
-Mohamed bin Qasim-
Fidistii ugu ballaarneyd ee Islaamku ku faafo Hindiya waxay aheyd xilligii Khilaafada Umawiyiinta oo xarunteedu aheyd Dimishiq ee dhulka Shaam. Sanadkii 711, Umawiyiintu waxay wiil 17-jir Muslim ka yimid Ta’if u doorteen inuu khilaafada ku ballaariyo maamulkeeda illaa Sindh; kaas oo ahaa Mohamed bin Qasim. Sindh waa dhulka u dhow webiga Indus ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee barqaareedka—taas oo maanta loo yaqaan Pakistan. Mohamed bin Qasim wuxuu ciidamadiisa u abbaan-duuliyay bariga fog ee ku dhow Persia, meesha loo yaqaan Makran.
Wuxuu la kulmay iska caabin yar markii uu galayay Hindiya. Markii uu gaaray magaalada Nerun, oo ku taalla daanta webiga Indus, waxaa magaalada kusoo dhaweeyey wadaadadii Buudiska oo Nerun ka talinayay. Badi magaalooyinka ku dherersan webiga Indus waxay si jujuub la’aan ah u hoos yimaadeen taladii Muslimiinta, dagaal la’aan. Meelaha qaar, Buudis yar oo falaagsaday ayaa u ban-baxay ciidamada Muslimiinta say u difaacaan barasaabyadii Hindida.
Tiiyoo taageero -hiil iyo hoo- isugu jirta ay dadyowgu u muujiyeen ciidamada Muslimiinta, Raajkii Sindh, oo Dahir lagu magacaabi jiray, ayaa kahor yimid is-ballaarinta Muslimiinta wuxuuna abaabulay ciidamo ka hor yimid Mohamed bin Qasim. Sanadkii 712, labadii ciidan ayaa kulmay—iyada oo Muslimiintu guul kasoo hooyeen dagaalka. Guushaas awgeed, Sindh oo dhan waxay hoos timid taladii Muslimiinta.
Waxaa xusid mudan, si kastaba, in dadkii ku noolaa Sindh aan lagu qasbin Islaamka gebi ahaan. Dhab ahaantii, ugu badnaan qof walba, majirin wax iska dooriyay noloshiisa maalin-laha aheyd. Mohamed bin Qasim wuxuu u balan qaaday nabad-galyo iyo xuriyad diimeed dhamaan Hinduuskii iyo Buudiskii ku hoos noolaa taladiisa. Tusaale ahaan, wadaadadii diimaha ee Hinduuga iyo Buudiska waxay sii wateen doorkoodii ay awalba ku lahaayeen dhaq-dhaqaaqa bulshadooda. Iyada oo loo fiirinayo dulqaadkiisii diimeed iyo garsoorkiisa, magaalooyin badan waxay si joogto ah ugu soo dhaweyn jireen ciidamadiisa muusik iyo qoob-ka-ciyaar.
-Islaamka oo salka wada dhigtay-
Guulihii is-daba-yaacayey ee ciidamada Muslimiinta ee ku gudayey Hindiya waxaa ku lamaannaa koror badan oo soo Islaamayey. Hoggaamiyaasha qaar, sida Maxamudkii Ghazni iyo Maxamudkii Tuqhluq waxay baahiyeen siyaasaddii Muslimiinta iyaga oo aan carqalad ku noqon dhaqamadii iyo caqiidooyinkii ay rumeysnaayeen dadyowga kala duwan ee Hindiya.
Waayo Islaamka kahor Hindiya waxay ku saleysneyd hab beel-daajeed—halkaas oo bulshadu ay u kala qeybsan tahay qurubyo kala soocan, Islaam-qaadashadu waxay u dhici jirtay hab tallaabo-ka-tallaabo ah. Aalaaba, beel-daaje iyo beeshiisa oo dhan ayaa mar kaliya Islaami jiray. Tanina waxay ku dhici jirtay siyaabo badan oo kala duwan.
Badanaa, si kastaba, sinnaanta uu Islaamku lasoo if-baxay ayaa ugu soo jiidasho badneyd indhaha dadyowga ku hoos noolaa nidaamka beel-daajeed; kaas oo salka ku sitay isir takoor. Gudaha habka beel-daajenimada, halka iyo hilibka aad ka dhalatay ayaa go’aamin jirtay heerka aad bulshada kaga jirto. Mana jirin tallaabsi ka baxsan aragtidaas oo qof u suura-galisa in wax ka sarreeya heerka waalidkiisa uu noqon karo. Hayeeshe, in Islaam laqaato, dadku waxay heli jireen fursadda ay ku hantaan xaqqooda aasaasiga ah. Waayo Islaamku si siman ayuu dadka ula dhaqmay. Taas oo ugu danbeyn daaqadda ka saartay nidaamka beel-daajeed ee ku saleysnaa isir takoorka.
Buudiska oo mar aheyd diin shacbiyad ku leh barqaareedka ayaa si tartiib tartiib ah ugu hoos dhimatay khilaafadii Muslimiinta. Dhaqan ahaan, kolkay dadku rabeen inay ka baxsadaan nidaamka beel-daajaha waxay u kici jireen dhanka loo tira badan yahay iyaga oo Buudis noqon jiray. Markii Islaamku noqday xul, si kastaba, dadku waxay bilaabeen inay Muslimiin noqdaan halkii ay Buudis ka noqon jireen iyaga oo wali ka madax banaan nidaamka beel-daajeed. Mala’awaalista ku qotonta in Islaamku uu gunti-ku-giijis ku burburiyay Buudiska waa been abuur aan tiigsimaad laheyn. Buudisku waxay kula hoos noolaayeen nabad-galyo khilaafada Islaamka. Mana jirto caddeymo sheegaya in qasab-ku-Islaameyn lagu gabagabeeyey ama qalalaaso looga irdheeyey Hindiya.
Barayaashii Muslimiinta ayaa iyaguna kaalin muhiim ah ka istaagay faafinta Islaamka. Waxay isu-dhaafeen dacallada Hindiya iyaga oo fariinta Islaamka u dhiibaya dadyowga aan Muslimiinta aheyn. Faafinta waxaa usii dheereyd inay diinta baraan dadka iyaga oo xittaa ku dib-jiray miyiga fog si ay guri kasta oo Aadmi ku nool yahay karaakooda ku gaarsiinaya dacwada.
Islaamku ma sandulleyn ayuu ku fiday?!-
Jeer eedeymaha qaar ee tirada baaxadda leh ee Muslimiinta Hindiya ku tilmaamaya inay tahay natiijo ka dhalatay qalalaaso iyo qasab-ku-Islaameyn, caddeynta lahayo ma ayideyso aragtidan gebi ahaanba. In-kasta oo Amiirradii Muslimiintu ay xilka ka bursadeen boqorradii Hinduuga meelo badan, bulshadu sideedii hore ayay ku hartay. Mana jirto is-badal ku yimid nolosha mujtamacyadii aan Muslimiinta aheyn ee hoos yimid taladii Islaamka. Sheekooyin ku saabsan qasab-ku-Islaameynta aad bey u kooban yihiin mana ku filna in—laf ahaanteeda dood wadaag aqooneed lagu qayaxo.
Haddii Islaamku uu ku faafay qalalaaso iyo qori-caaradiis, Muslimiinta ku nool maanta Hindiya waxay kaliya ka jiri lahaayeen goobaha ay xigaan Muslimiinta kale ee dunida. Hadana, kaliya dhinaca galbeed ee barqaareedka ayaa Muslim ka noqon laheyd Hindiya oo dhan. Balse waxaynu arkaynaa in Islaamku uu gebi ahaanba kuwada faafsan yahay barqaareedka Aasiya ee Hindiya, Pakistan iyo Bangladesh.
Tusaale ahaan, Bangladesh iyo 150-ka malyuun ee Muslimiinta ah ee ku nool waxay bariga fog ka dhacaan Muslimiinta kale ee tirada badan ee ku nool dhulka Hinduuga ee Hindiya. Bulsho soocan oo Muslimiin ah ayaa sidoo kale ka jirta galbeedka Myanmar, bartamaha Hindiya iyo bariga Sri Lanka. Bulshooyinkan Muslimiinta ah waxay caddeymo u yihiin sida nabadda leh ee Islaamku uu ugu faafay gebiyada Hindiya—u eegis la’aan garabsiga dowlad Islaam oo faafisa. Haddii Islaamku uu xoog ku fiday, sida qaar ku andacoodaan, bulshooyinkan Muslimiinta ah ma jiri laheyn.
Gunaanad-
Islaamku waa qeyb kamid ah Hindiya iyo sooyaalkeeda. Maadaama barqaareedka Hindiya ay maanta ku sugan tahay meel kulmisa dad kala duwan dhalyo iyo dhaqan, waa lama huraan in la fahmo booska uu Islaamku ku leeyahay gobolka. Eedeymaha siyaasadeed ee Islaamka ka dhigaya diin duullaan kusoo gashay gobolka, waxay u baahan yihiin in lagu saxo xaqiiqda ah sida nabadeed ee uu ugu fiday barqaareedka.
Tix-raacyo
Hodgson, M. The Venture of Islam. 2. Chicago: University of Chicago Press, 1961. Print.
Kennedy, Hugh. The Great Arab Conquests: How the Spread of Islam Changed the World We Live In. Philadelphia: Da Capo Press, 2007. Print.
World’s second oldest mosque is in India. Bahrain Tribune 07 06 2006 07 06 2006, page. Web. 23 Nov. 2012.
Qore: Zakariya Hassan Maxamed.