Home / Caafimaad / Sidee safar diyaaradeed uu u badbaadiyay nolosha afar ruux?

Sidee safar diyaaradeed uu u badbaadiyay nolosha afar ruux?

Himilo – Waxey sitay rakaab socdaalkoodu ku wajahnaa caasimadda India ee New Delhi, markii amar ka yimid maamulka shirkadda Air India loo dib dhigay duulimaadkaasi.

Haweeney 49-jir ah ayaa ku geeriyootay Jaipur, balse ka hor dhimashadeeda ayey ku deeqday xubno, isla waqtigaasi waxaa isbitaalka Delhi jiifa afar ruux oo aad u xanuunsanaya una baahan Kilida, Sanbabada iyo Beerka haweeneydaasi.

Maadaama uusan xilligaasi jirin duulimaad soo qaadi kara si loogu tallaalo bukaanada u baahan, maamulka shirkadda Air India ayaa dib u dhigay duulimaadkii kusii sii jeeday caasimadda, sida uu daabacay warsidaha times of India.

Markii la helay xubnaha, diyaaradda ayaa ka kicitintay garoonka diyaaradaha Jaipiur iyada oo saacad ka kaddibna gaartay New Delhi, markaas oo la samata-bixiyay bukaanadii il darnaa.

“Waxaan ku faraxsannahay inaan ka qeyb noqo duulimaad nolol badbaadin ah u adeegidda ummadda waa mid innaga go’an” ayey tiri Harpreet A De Singh madaxa isbaheysiga diyaaradaha India.

Sheekada duulimaadkaan ayaa noqotay mid la isla dhex qaado India oo dhan, ayey dadka ku tilmaamay go’aan midkii ugu quruxda badnaa ee maamul shirkadeed uu qaato, iyada oo ujeedku yahay caawinaad ruuxa liita.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan