Home / COVID 19 / Sideen ku garan karaa inaan qaaday feyruska Karona?

Sideen ku garan karaa inaan qaaday feyruska Karona?

Himilo – Waxaa jira seddax astaamood oo badanaa lagu arko dadka qaada feyruska Karona, kuwaas oo haddii aad midkood isku aragto ay tahay inaad aado dhaqtarka, sida ay daabcday BBC Health.

Hadaba maxey yihiin astaamahaasi?

  • Qufac cusub oo xiriir ah – Qufaca ka badan saacadda amaba xiriirsanaada 24-ka saac.
  • Qandho – Heerkulka jirkaagu ka sara mari karo 37.8 digrii Celsius.
  • Isbadel ku yimaada dareemahaaga Urta amaba dhadhaminta – Waxba kuuma urayaan amaba kuuma dhadhamayaan, waa isbadel ka duwan midkii caadiga ahaa.

Haddii aad isku aragto calaamadahan waxey dhaqaatiirtu ku taliyaan inaad sida ugu dhaqsiyaha badan aado dhaqtarka amaba aadan ka bixin guriga haddii aysan jirin wax kugu riixaya inaad aado banaanka.

Qof waliba oo kula nool sidoo kale waa inuu iskarantiilaa tan iyo inta ay kasoo baxeyso tijaabadaada caafimaad.

Celcelis ahaan waxey qaadan kartaa shan cisho inta ay kasoo muuqanayaan astaamaha Covid-19, balse hay’adda caafimaadka dunida WHO waxey sheegtaa in la arki karo 14-maalin gudaheed.

Illaaheey ha inaga badbaadiyee, haddii natiijadu noqoto mid togan (Positive) ah, adiga iyo dhammaan dadka kula nool waa iney raacaan habraacyada iskarantiilka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan