Home / Habka-Nolosha / Silva oo doonaya in Ibrahimovic uu sii joogo PSG

Silva oo doonaya in Ibrahimovic uu sii joogo PSG

Hogaamiyaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain Thiago Silva ayaa doonaya in Zlatan Ibrahimovic uu sii joogo kooxda Paris xagaaga soo aadan.

34 jirka reer Sweden qandaraaska uu kula joogo PSG wuxuu dhici doonaa dhammaadka xagaagan, hayeeshee daafaca reer Brazil ayaa ku murmaya in Zlatan uu muteystay in qandaraaska loo kordhiyo.

Qibradda weerarka dhexe ku jirta ayuu aaminsan yahay Silva in kooxdiisu ay weli u sii baahan tahay inay adeegsato.

Toddobaadyadii tegay Ibrahimovic waxaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo horyaalka Ingiriiska oo uusan weligii ka dheelin.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan