Home / Caafimaad / Singapore oo robod ku ilaalineysa dadka jabiya xeerka kala fogaanshaha Corona

Singapore oo robod ku ilaalineysa dadka jabiya xeerka kala fogaanshaha Corona

Himilo – Dowladda Singapore ayaa adeegsaneysa hab cusub oo ay ku ilaalineyso dadka ku xadgudbaya xeerka kala fogaanshiyaha xilligga Corona.

Hindisahan cusub oo yareyn kara qatarta boliisku ku qaadi karaa xanuunka mudada ay ku jiraan shaqada, ayaa waxaa loo adeegsan doonaa robod u sameysan qaabka Eeyga.

Maalmaha fasaxa todobaadka ayuu si gaar ah u kormeeri doonaan dadka, markaas oo ay suuragal tahay in dadku is dhex qaadaan.

Robot-kan ayaa waxaa ku xiran kaamirad laga arki karo inta ruux ee ku sugan halka uu yaalo iyo masaafada ay isku jiraan, lama keydin doono xogta gaarka ah ee shaqsiyaadkaasi, sida dowladdu sheegtay.

Hindisaha oo tijaabo ku jira hadda, dowladda Singapore waxey ku rajo weyn tahay inuu noqdo mid guuleysta.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan