Home / Macluumaad / Sirta Dahsoon ee ka danbeysa guuldaradda!!!
group of friends crawling in mud

Sirta Dahsoon ee ka danbeysa guuldaradda!!!

Aadmigu caadiyan ma jecla guuldarrada, hayeeshee guuldaradda oo aad ku bilaabato ayaa ku gaarsiin karta hormar sal leh oo ballaaran sida lagu ogaaday cilmi baaris cusub.

“Guuldarradaada laba jibaar si guulahaagu ay u kordhaan” waa oraah Soomaalidu aad u isticmaasho marka niyadda la isku dhisayo.

Guuldarrooyinka ayaase hubaal ku bara guulo dhadhankooda laga maqsuudo oo loo mahdiyo sida ay baahisay Mu Sigma oo ah shirkad Cilmiga go’aan gaaridda iyo falanqeynta xogaha derista.

Tom Pohlmann oo ah madaxa jaangoynta istiraatiijiyadda shirkaddan cilmi baarista sameysay ayaa sheegay inay si qoto dheer u derseen qiimiga ay ku fadhiso guusha guuldarrada dabataal, wuxuuna yiri “Isbedelka degdega ee ku yimaada xawliga ganacsiga ayaa shirkadaha ganacsiga cadaadis saara si ay isbedello joogto ah u sameeyaan, Tiknolojiyadda cusub ayaa macquul ka dhigaysa baratankan iyadoo ay baaritaano socdaan.”

MU Sigma ayaana cilmi baaristeeda ku sheegtay in kufidda kolka koowaad,weliba si dhaqsiyo ay ku dheehan tahay ay ka dhigan tahay ahaanshiyaha tubta ugu toosan ee ganacsiga iyo noloshu ku baraaraan.

Meeshase waxaa ku jirta haddii aad ku kufto habeynta howl kugu adag oo ugub kuu ah inay leedahay niyad jab xoogan oo ibtilo baaxad leh sita, waxaa laga yaabaa in niyad jabkaas uu horseedo joojinta hadafka ugubka ahaa.

In la kufo ma aha wax xun, waxay horseeddaa eegidda wax cusub oo dhacaya, laakiin guuldarro ayaa timaad haddii kolkii la kufo lasoo kici waayo oo la kalsooni beelo.

Cilmi baarayaasha ayaa ugu danbeyn soo jeediyay marka qofku dareemo guuldarro inuu fariisto, gacmihiisana miis saarto, deetana uu wejiga ku foorarsho gacmaha miiska u saaran si uu u yara fekero, hubaal sida cilmi baarista lagu ogaaday halkaa waxaa kasoo bixi doona go’aano sugan oo shaqada waqtiga fog guulo u horseedi kara.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan