Home / Dhaqaale / Socdaalkii lagu uruuriyay £1,000

Socdaalkii lagu uruuriyay £1,000

Himilo – In ka badan boqol ruux ayaa ka qeyb gashay socdaal ay soo abaabushay hay’adda Happy Healthy You oo kaashaneysa urur kale oo samamfal ah, kaasi oo lagu qabtay barxadda Lister Park ee galbeedka England.

Socdaanlkan ayaa ujeedkiisu ahaa uruurinta lacago loogu deeqo muhaajiriinta Afgaanistaaniyiinta ah ee aanan haysan wax ay ku moodaan bisha Soon-qaad.

Lacag kor u dhaafeysa £1,000, ayaa la uruuriyay intii uu socday isu soo baxan rucleynta ah.

Humera Khan, aas aasaha Happy Healthy You, ayaa ku tilmaamtay tillaabadaasi mid cajiib ah oo lahayd jimicsi.

Socdaalka oo ay billaabeen tiro yar oo dad ah waxaa goor danbe kusoo biiray dad badan, kuwaasi oo qaarkood ay yihiin qaxootiga qarashka loo uruurinayay.

“Waxaan sameynay laba wareeg oo kali ah, maadaama ay dadka badi ay soomanayeen waxaanse rajeynayaa in socdaalkan innoo noqdo mid sanadeed” ayey tiri marwo Khan.

Si ay ugu dhawaadaan eebbe wayne, dadka muslimiinta ah ayaa bisha oo kale kordhiya acmaasha ay sameynayaan sida bixinta sadaqada.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan