Home / Habka-Nolosha / Somali Fruit oo dhibcaha ka qaadatay F.C Banaadir

Somali Fruit oo dhibcaha ka qaadatay F.C Banaadir

Kooxaha kubadda cagta F.C Banaadir iyo Somali Fruit ayaa ku kulmay gegada Banaadir Stadium kulan cayaareed ka tirsan heerka labaad.

Labada kooxood ayaa weeraro isdaba joog ah isku qaadayay walow qeybtii hore lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad labada dhan fursado goolol loo fishay ayaa soo maray, waxaana kamid ah laad ay tuurteen kooxda Banaadir oo shabaqa dhexgalay walow Garsoore Yaxye uu tilmaamay gool ku laad maadaama laadku uu ahaa mid aan toosneyn oo loo baahnaa kahor inta uusan shabaqa gaarin in laacib kale uu taabto.

Daqiiqaddii 73aad waxaa dhashay goolka keliya ee cayaarta laga dhaliyay, waxaana shabaqa cujiyay laacib lanbarka 22aad u xirta kooxda Somali Fruit.

Kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay kusoo idlaaday guul ay Somali Fruit 1-0 uga gaartay dhigeeda F.C Banaadir.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan