Home / Habka-Nolosha / Somali Fruit oo u awood sheegatay Gantaalaha Afgooye

Somali Fruit oo u awood sheegatay Gantaalaha Afgooye

kulankii 4aad oo horyaalka heerka labaad ayaa lagu dheelay gegada Banaadir Stadium markii ay fooda isdareen kooxaha Somali Fruit iyo Gantaalaha Afgooye.
Cayaarta oo mid hal dhinac ah u muuqatay waxaa gool dhallinta bilaabay daqiiqaddii saddexaadba cayaartoyga lanbarka siddeedaad u wata Somali Fruit Ibraahim Cali, inta aanu daqiiqaddii 14 kan labaad uusan iska dhalin lanbarka 7aad ee G/Afgooye Cabdinasir Cabdulahi.
Sakariye Cali oo lanbarka 13aad u xirta SOmali Fruit ayaa labo gool israacsaday daqiiqadihii 18aad iyo 40aad si qeybta hore loo maro iyadoo kooxdiisu hogaanka ku heyso 4 gool iyo eber.
Qeybtii labaad oo cayaarta bilowgeediiba G/Afgooye hal gool ayay soo celiyeen daqiiqaddii 48aad waxaa dhaliyay Aadan Abuukar, hayeeshee afartii daqiiqo oo xigay labo gool oo degdeg ah ayaa laga dhaliyay, waxaana israacsaday Maxamed Osman iyo Cabdiraxman Cabdulahi oo cayaarta ka dhigay 6-1.

Daqiiqaddii 86aad cayaarta oo gebagebo ku dhow xiddiga lanbarka shanaad u sita G/Afgooye Maxamed Cabdulaahi ayaa goolkii u danbeeyay oo dhashay shabaqa cujiyay, cayaarta ayaana ku soo dhamaatay 6-2 oo guushu ay ku raacday kooxda heerka koowaad ka soo dhacday ee Somali Fruit.

Macalin Cabdikariin Maxamed Cali “Cawaale” oo ah macallinka cusub ee Somali Fruit ayaana kooxdiisa la gaaray guushii koowaad kulankiisii koowaadba.

About radio himilo

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan