Himilo – Kahor 1991-kii, aalaaba sannad kasta marka la gaaro maanta oo kale waxaa dalka oo dhan laga xusi jiray munaasabadda 1da Luulyo. Laakiin, 30-kii sano ee lasoo dhaafay, muqaalkaaasi dalka oo dhan kuma wada koobmin. Wuxuu kaliya ku harsanaa caasimadda iyo qeyb ahaan koofurta iyo bartamaha dalka. Si kale marka loo yiraahdana, waxaa kaliya si la isla oggol yahay looga xusaa dhulkii gumeystihii Talyaanigu ka kacay ee koofurta Somaaliya la yiraahdo.
Muddo laga joogo 30 oo ku beegan ku sinnaan 1991 bishii May 18-keedii, dhulkii Brtish Somaliland ee waqooyiga Somaaliya waxaa looga dhawaaqay jamhuuriyad iskeed u madax bannaan.
Gooni isu-taagga Somaliland wuxuu ku dhashay halgan iyo loolan adag oo loo galay in xukunkii militariga ahaa ee Kacaanka looga af-gembin lahaa talada dalka oo uu ku 21 jirsaday. Gaboodfallo iyo duqeymo ay dowladdii militariga ahayd la beegsatay dhulkaas iyo arrimo kale oo dhinac ah ayaa ugu dambeyntii keentay in durba markii Maxamed Siyaad Barre xukunka looga tuuray af-gembi dhiig badani ku daatay ay ku dhawaaqaan madax-banaani.
Somaaliya 30-sano waxay kusoo jirtay hubaal la’aan ka heysta halka uu musatqbalkeedu ku dambeynayo. Walina waa mid jirta. Shacabka ayaa si kastaba karaankooda isugu taagaya inay xejiyaan doorka bulshanimo oo ay ku leeyihiin horumarka. Waxaana dalka ka socda horu-kac muuqda oo dhinacyada dhaqaalaha, tiknoolojiyadda, wax-barashada la xiriira. In ka badan inta laga maleyn karo dal fashilmay muuqalka uu dunida ku leeyahay, Somaaliya waxay awoodaysa inay jaaha aragtideeda ku bedesho horu-kacnimo iyo halgan joogto ah. Mary Harper oo ah wariye BBC katirsan ayaa sheegtay inaan marnaba Somaaliya loogu tilmaami Karin dal fashilmay mar haddii dadka Somaaliyeed xilligii adkaa iyo waqtiyadii dowlad la’aanta ay iskood u awoodeen inay qaabeeyaan masiirkooda.
Maanta oo kale halka ay muhiim tahay in laga fikiro macaanka ay xurnimada iyo midnimadu u leedahay dalka, haddana waa lama huraan inaan laga rejo dhigin timaadada maantana loo diyaargaroobo beritada qurxoon oo aynu dooneyno inaan jiilka Somaaliyeed ee gadaashayada imaanaya dhaxal ahaan ugu reebno.