Home / COVID 19 / Soomaaliya: 3,588 kiis oo Coronavirus ah ayaa laga diiwaan galiyey

Soomaaliya: 3,588 kiis oo Coronavirus ah ayaa laga diiwaan galiyey

Himilo – Sida ay ku qeexdo WHO, Coronavirus waa bah feyrus oo isku tagay, kuwaas oo sababa xanuunka Covid-19.

Astaamaha ugu badan ee lagu arko qofka uu ku dhaco waa Qandho, Qufac qalalan, iyo daal, astaamaha kale sida dhuun xanuunka, madax xanuunka iyo fuuq baxa waa kuwa naadir ah.

Ku dhawaad 80% dadka uu ku dhaco xanuunka COVID-19 waa ay ka bogsadaan iyaga oo aan u baahan daryeel isbitaal.

Sida ku cad xogta WHO ee September, kiisaska illaa iyo hadda laga diiwaan galiyay dalalka dunida ayaa gaaraya in ka badan 33-milyan, dhimashada ayaa kor u dhaaftay hal miyan oo ruux.

Waxaa kiisaskaasi laga soo wariyay in ka badan 230-dal, waxaa ku jira dalalkaasi Soomaaliya.

Xogtii kasoo baxday maanta wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in kiisaska dadka qaaday Feyruska Corona ay gaartay 3,588.

99-ruux oo qaarkood da’ ah ayaa ugu geeriyooday xanuunka gudaha Soomaaliya, halka 2,946-qof-na ay ka bogsadeen.

Kiisaska ugu badan ayaa laga diiwaan galiyay caasimadda Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso seddax milyan.

Tan iyo 16-kii bishii Maarso ee sanadkan- markaas oo dalka laga helay kiiskii ugu horreeyay- waxaa kordhayay tirada tirada dadka qaadaya feyruska.

Laba bil kadib tirada kiisaska ayaa kor u dhaafay kun ruux, taas oo muujineysa xowliga uu ku fidayay xanuunka COVID-19.

Bishii August, waxaa yaraa kiisaska ay diiwaan galisay wasaaradda caafimaadka, balse nasiib daro September kororka ayaa dib u billawday.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan