Himilo – Cilmi baaris ay si wada jir ah u sameeyeen dawladaha Imaaraadka, Bahrain iyo UK ayaa lagu sahmiyay isa saameynta wanaagsan ee maalmaha soonka iyo caafimaadka.
Wargeys ka soo baxa Yurub kana faallooda cunnooyinka nafaqada ayaa dib u dersay 85 daraasad oo Ramadaan horey looga sameeyay.
Daraasadahaas waxaa laga sameeyay 25 dal iyadoo lagu wareystay in ka badan 4,000 oo qof, hawsha cilmi baaristan waxay soo socotay 50-kii sano ee tagay.
Cilmi baarayaasha ayaa xogahooda ku soo gabagabeeyay nadaamka wadnaha iyo hanaanka wareegga dhiigga. Waxay isku raaceen in soonku sii wanaajiyo bad-qabka maskaxda iyo yareynta dhibaatooyinka nafsiga ah.
Baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in aaminsanaanta diinta ay qofka ka caawineyso inuu ku noolaado deganaan maskaxeed marka loo fiiro kuwa aan diimaha haysan.
Kooxda cilmi barista sameeyay waxay isku raaceen in diinta islaamka ay tahay ilaaliye qofka ka dhowrta niyo jabka iyo isticmaalka maan-dooriyaasha dhibaateeya jirka iyo maskaxda.
Ugu dambeyn daraasadda ayaa sii xoojisay xaqiiqda ah inuu soonku ka qeyb qaato hagaagsanaanta caafimaadka jirka iyo midka maskaxda qofka.