Himilo FM – Dawladda South Korea waxay qabaneysaa xaflad sanadeed lagu weyneynayo bishan Ramadan, waxa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan muslimiinta dalkaas, wargeyska Yonhap ayaa warkan ka soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda.
Munaasabadan waa xafladdan affur ah waxay noqoneysa middii 16aad waxaa lagu wadaa in lagu qabto Hotelka Lotte oo ku yaal caasimadda Seoul Kim In Chul oo ah afhayeenka wasiirka ayaa xogtan kooban sheegay.
“Waxaan casuunay 170 wakiil oo ay ku jiraan siyaasiinta dawladaha ku mideysan ururka iskaashiga islaamka, waxaan rajeyneynaa iney tani fursad u noqoto isku xirnaanta muslimiinta iyo dadka reer South Korea,” sidaa waxaa hadalkiisa ku daray afhayeen Kim.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee South Korea waxay xafladan qabaneysay tan iyo sannadkii 2004, waxaa lagu kulmiyaa muslimiinta iyo muwaadiniinta dalka.