Home / Cayaaro / Southhampton oo ku dhawaaqday Klopp-ka cusub ee Ingiriiska.

Southhampton oo ku dhawaaqday Klopp-ka cusub ee Ingiriiska.

Himilo FM  – Southampton ayaa ku dhawaaqday tababarahooda cusub ee naadiga ninka lagu magacaabo Ralph Hasenhuttl. 51 sanno jirkan u dhashay Austria ayaa lagu bedelay hoggaamiyihii dhawaan shaqada laga ceyriyay Mark Hughes,wuxuuna ninkaan kooxda u saxiixay heshiis laba sanno iyo bar ah isaga oo la wareegi doonno shaqada maalinta khamiista ah.

Saints ayaa shaqada ka ceyrisay Hughes Isniintii iyagoo badiyay kaliya hal kulan 14 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana ay ku jiraan kaalinta 18aad.

Tababarihii hore ee kooxda  RB Leipzig, Hasenhuttl ayaa shaqo la’aan ahaa kaddib markii uu soo gabagabeeyay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ahaa ee kooxda Jarmalka isaga oo horey u soo maamulay kooxaha Unterhaching, Aalen iyo Ingolstadt.

Guddoomiyaha Southampton Ralph Krueger ayaa yiri: “Baahida loo qabo in la helo waddo dib u soo celisa awoodeenna iyo natiijooyinka aan rajeyneyno ma noqon karto qadarin.”

“Sababtaas awgeed, aad ayaan ugu faraxsannahay in Ralph Hasenhuttl uu oggolaaday inuu noqdo macalinkeenna cusub oo aanu sameyno waxkasta oo ka caawin karo si uu innagu taageero, kooxdana hagaajiyo.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan