Himilo – Tottenham ayaa la fahamsan yahay inay ka fiirsaneyso seddexda ciyaaryahan ee reer England Nick Pope, Dean Henderson iyo Sam Johnstone iyadoo kooxda ay raadineyso bedelka goolhayaha Hugo Lloris.
Lloris ayaa ahaa lambarka koobaad ee kooxda waqooyiga London sagaal xilli ciyaareed laakiin waxaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda inta lagu guda jiro xagaaga, 34 jirkaan ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu ku laabto France iyadoo Paris Saint-Germain ay u dhaqaaqday.
Saxiixa goolhaye cusub ayaa u muuqda mudnaanta koowaad xagaagan, sida ay qortay The Sun, Spurs ayaa seddexda xiddig ee reer England ee kala ah Pope, Henderson iyo Johnstone ku dartay liiskooda.
Mid kasta oo ka mid ah seddexda goolhaye ayaa ku jira xulka Gareth Southgate ee fasaxa caalamiga ah ee soo socda, iyadoo lambarka caadiga ah ee koobaad Jordan Pickford looga saaray dhaawac.
Pope ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo seddexda libaax ka hor kulamada San Marino, Albania iyo Poland wuxuuna ku guuleystay abaalmarino badan oo ku saabsan qaab ciyaareedkiisii Burnley labadii olole ee la soo dhaafay.
28 jirkaan ayaa ku dhameystay kaalinta labaad ee Premier League‘s Golden Glove xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu kaalinta seddexaad kaga jiraa dhamaan goolhayayaasha ugu sareya xilli ciyaareedkan .