Himilo – Sida ku cad daraasad uu soo bandhigay Ururka Cilmi Baarayasha Soomaaliyeed (SRA) ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, ardayda dhigta iskuulada sare ee dalka ayaa 90% isticmaalka baraha bulshada sida Facebook Tiktok iyo You Tube.
Daraasadda waxaa ka qayb galay 582 qof oo laga doortay ardayda fasalka 4aad ee dugsiga sare. Xogta ayaa lagu soo ururiyay online iyo booqato loogu tagay ardayda iskuuladooda iyadoo su’aalo la weydiinayay. 69% waxay ahayeen Rag halka 31% ay ahayeen gabdho.
Cilmi baarista ayaa xusaysa in ardayda aadka u adeegsada barahan ay dhibco hoose keenaan marka laga qaado imtixaanka. Dhowrkii sano ee tagay imtixaanadii lagu galay Muqdisho iyo gobolada waxaa ku dhacay arday badan, halka qaarna ay keeneen natiijo hooseysa. Keliya Imtixaankii sanad dugsiyeedkii 2019/2020 Waxaa ku dhacay ku dhawaad 25% arday.
Ardayda lagu xog wareystay cilmi baarista ayaa sheegay inay maalin kasta baraha bulshada adeegsigooda ku bixiyaan shan saac iyagoo ku mashquulsan la falgalidda muuqaalada, sawirada iyo farriimaha lagu baahiyo baraha bulshada.
Fasalada afraad ee dugsiga sare ayaa hadda isku diyaarinaya imtixaanka shahaadiga ah oo loo ballansan yahay sida la filayo bisha May. Cilmi baarista ayaa sheegaysa in haddii wax laga qaban waayo isticmaalka badan ee baraha bulshada ay dhici karto inay mar kale arday badan ka gudbi waayaan imtixaanka shahaadiga ah.
Talooyinka cilmi baarista ku xusan waxaa ka mid ah in iskuulada laga dhaqan geliyo nadaamyo adkaynaya inaysan ardaydu taleefanada caaqilka ah ku adeegsan fasalada iyo inay waalidiintu la socdaan waxyaabaha ay carruurtooda soo dhigaan baraha bulshada.