Himilo – Xildhibaan ka mid ah golaha baarlamaanka wadanka Sri-lanka, ayaa qaniinay, goostay kalluun ceyriin ah dabadeedna liqay isaga hadal ka jeedinayay shir saxaafadeed uu kula hadlayay warbaahinta.
Dilip Wedaarachchi, oo mar soo noqday wasiirka Kaluumeysiga, ayaa sheegay in xanuunka Covid-19 uu cuuryaamiyay wax soo saarkii shirkadaha kaluunka Sri-lanka, kuwaas oo ah isha ugu wayn ee dakhliga dowladda, sida ay daabacday wakaaladda wararka UPI.
“Waxaan ka codsanayaa dadka wadankan iney cunaan malaaygan, haka baqin, coronavirus kuma saameyn doono” ayuu yiri xildhibaanku kahor inta uusan goosan kalluunka ceyriinka ahaa.
Shirkadaha kalluunka Sri-lanka oo ay ka shaqeeyaan si toos ah iyo si dadban-ba ku dhawaad 2.4 milyan oo ruux, waxey wax soo saarka dalkaasi ka yihiin 2.7%. Sida xogta dowladda lagu shaaciyay, sanadkii 2018 waxey kasoo xerooday adduun dhan $266 milyan.