Weeraryahanka Barcelona ayaa hantay gool dhallinta horyaalka La Liga xilli kooxdiisa goortii labaad oo xiriir ah ay noqotay koox horyaal.
Luis Suarez ayaa dhaliyay 40 gool oo horyaalka ah kaddib 125 darbo oo goosha uu la beegsaday, 56% darbooyinkiisa ayuu la helay inta ka dhex leh birta dadban iyo biraha qotoma ee darbad hakiyuhu dhex taagan yahan.
goolkiiba waxay ku qaadatay inuu ku dhaliyo 79 daqiiqo, isagoo garoonka ku jiray 3,150 daqiiqo.
Suarez waxaa intaa u dheer 16 caawin oo horyaalka uu xagaagan ka sameeyay.
Cristiano Ronaldo ayaa booska ku dhameystay, isagoo dhaliyay 35 gool kaddib 3,183 daqiiqo oo horyaalka uu cayaaray.
Taa waxay ka dhigan tahay in Ronaldo oo riday 190 darbo oo toosan uu goosha la beegsaday 52%, uuna gool dhalinayay 91 daqiiqo oo walba.
Cristiano waxaa isna u dheer 11 gool caawin oo saaxiibadii uu u sameeyay xilli cayaareedkan.
Lionel Messi oo 26 gool leh ayaa booska saddexaad fadhiya, booska afaraad waxaa ku wada jira Karim Benzema iyo Neymar Jr. oo min 24 gool leh.
Antoine Griezmann ayaa shanaad ku jira isagoo leh 22 gool halka Aduriz oo Athletic Bilbao u cayaara uu dhaliyay 20 gool.
Gareth Bale ayaa isna booska 7aad soo galay isagoo dhaliyay 19 gool, waxaana u dheer 10 caawin kaddib 1,738 daqiiqo oo xagaagan uu horyaalka ka cayaaray.