Home / Habka-Nolosha / Sucuudi Carabiya: shaqo Darawal Tareen ah oo ay codsadeen 28000 oo Haween ah

Sucuudi Carabiya: shaqo Darawal Tareen ah oo ay codsadeen 28000 oo Haween ah

Himilo – Sharikadda Tareennada ee laga leeyahay waddanka Spain laguna magacaabo Renfe, ayaa soo bandhigtay shaqo kaxeynta Tareennada ah oo u gaar ah Haweenka waxaana ay dooneysay kaliya 30 Haween ah oo shaqadaas qaban kara.

Hayeeshee codsiyada soo gaaray xafiiska shaqaaleysiinta Sharikadda Renfe ayaa kor u dhaafay 28000 oo codsi oo dhamaantood haween ah.

Sharikadda waxaa ay sheegtay in Haweenka la xushay ay mari doonaan tababar hal sano ah oo ay qaadanayaan mushaarkooda, waxaana ay marka la qaato kaddib ka shaqeyndoonaan Tareennada isaga kala goosha Magaalooyinka Xarameynka ee Maka iyo Madiina.

Waxaa sarkaal u hadlay sharikadda uu sheegay in hadda ay u shaqeeyaan 80 Rag ah oo kaxeeya Tareennada 50 kalena ay tababar ku jiraan.

Haweenka ayaa loogu tagalay kaxeynta Tareeno ay farsamadoodu socoto hadda lana filayo in la howgeliyo dhamaadka sanadkan.

Ka qeybgalka haweenka ee fursadaha shaqo ee gudaha Sucuudiga ayaa laba jibbaarmay 5tii sano ee ugu dambeysay,waxaana ay hadda marayaan 33% fursadaha shaqada ee ay hayaan Haweenka Sucuudiga.

Xarunta farsamada Gacanta Sharikadda Tareennada Sucuudiga ee SSP ayaa sheegtay in ay hadda sidoo kale tababarka ku jiraan Haween loogu talagalay in ay kaxeeyaan Tareennada ka shaqeeya Waddada Tareennada ee isku xirta Xarameynka taas oo uu dhererkeedu yahay 500km.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan