Home / Arrimaha Bulshada / Sudan: Bisad hakisay duulimaad diyaaradeed

Sudan: Bisad hakisay duulimaad diyaaradeed

Himilo – Diyaarad rakaab sidday ayaa si degdeg ah loogu dejiyay garoon ku yaalla dalka Sudan kadib markii duuliyihii ay weerartay bisad.

Diyaaradda waxay ku wajahneyd Doha, Qatar. Hal saac iyo bar  markii ay hawada shilka ayaa dhacay waxayna dib ugu laabatay garoonka Khartoum.

“Bisad rabsho badan ayaa gudaha u gashay qeybta duuliyaha ka hor inta aysan duulin diyaaraddu balse lama ogeyn.” Warbaahinta maxalliga ayaa sidaa werisay.

Rabsho ayaa ka bilaabatay diyaaradda dhexdeeda taas oo ugu dambayn horseeday in mar kale dib loogu celiyo Magaalada Khartoum.

Ma cadda siday bisaddu ku gashay diyaaradda, qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay suura gal tahay inay gashay intii la nadiifinayay diyaaradda.  

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan