Home / Aragtida Islamka / Suldaan u dhashay Imaaraatka oo Hawada sare Soonka ugu soo galay

Suldaan u dhashay Imaaraatka oo Hawada sare Soonka ugu soo galay

Suldaan u dhashay Waddanka Imaaraadka Carabta ayey Bisha Soon ugu soo gashay isaga oo ka mid ah kooxda la socdota Dayax Gacmeedka Crew-6.

Waxaa uu baxay 2dii March waxaana uu maqnaanayaa lix bilood,waxaase ay dood ka dhalatay sida uu Soonka u wajahayo.

Halka uu ku suganyahay 16 jeer ayey dhacdaa Qorraxda,soona baxdaa maalinkii, Culimada Muslimiinta Malaysia ayaa sanadkii 2007dii u fadwooday Nin dalkaas u dhashay oo raacay koox Cirbixiyeenno ah,waxaana ay u sheegeen in uu Soonka dib u dhigan karo marka uu soo laabtana gudan karo,waaxaana ay xilligaas sheegeen in Fadwadaas wada qaadananayaan dhamaan Muslimiinta Cirbixiyeennada ah iyo kuwa u safri doona hawada sare.

Marka la joogo Hawada sare, waxaa ay qorraxda halkaas dhacdaa 16 jeer, sababta oo ah Xarunta Cirbixiyeennada ee Hawada sare waxaa ay dhulka ku wareegayaa  27,600 km saacaddiiba ,waxaana ka dhalaneysa  in 16 jeer  Qorraxda dhacdo 16 jeer soona baxdo.

Sultan al-Neyadi,waxaa uu Hawada ku maqnaanayaa labada Ciidood ee Islaamka ee kala ah Fitriga iyo Adhxaa.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan