Paddy McNair Iyo Donald Love oo ka tirsanaa Manchester United ayaa ku biiray Sunderland sida ay xaqiiisay kooxda Sunderland.
David Moyes oo ah layliyaha cusub ee Sunderland ayaa labadaan cayaaryahayan doonaya in uu ku adkeeyo daafaca kooxdiisa.
McNair ayaa ah xidig laba afle ah kaas oo ciyaari kara khadka dhexe iyo sidoo kale daafaca dhexe, waana mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar oo uu si ba’an u adeegsan jiray macalinkii laga ceyriyay United ee Louis Van Gaal.
Sidoo kalana Donald Love oo u dhashay Scotland ayaa isna xagaagii lasoo dhaafay kulamo dhawr ah nasiib u yeeshay wuxuuna ku wanaagsan ciyaarista daafaca bidix.
“Paddy waa da’yar ah nin orod badan oo hormar sameeya mar walba. Waa xidig qibrad leh waxaana dooneysaa inaan keeno ciyaartoy badan oo qibrado caalami ah heysta” ayuu yiri David Moyes.
Sidoo kale David Moyes ayaa Donald Love ku tilmaamay da’yar uu rajeynayo inuu hormar ku sameeyo garoonka Stadium of Light.