Home / Madadaalo / Suthar: “Waxey dadku ii arkaan mid khaasa”

Suthar: “Waxey dadku ii arkaan mid khaasa”

Himilo – Devendra Suthar, waa 47-jir ku nool galbeedka India waxaa uu ku shaqeystaa xirfadda fuundinimada, waxa uu sheegay inuu aad uga taxadaro farahiisa, si uusan isaga jarin maadaama uu leeyahay 22 faradood iyo 6-Suul.

Gacan waliba waxa uu ku leeyahay shan farood iyo laba suul oo isku dhagan, halka faraha lugihiisuna yihiin toddobo, taas oo uu ku muteystay in loo aqoonsado ruuxa ugu faraha badan adduunka inta la ogyahay, laguna dhigo buugga Guinness Book.

Sida uu daabacay warsidaha Metro, waxaa booqda dad xiiseynaya aragtidiisa oo ka codsada inay la galaan sawiro xusuus ah, taasi uu sheegay Devendra inuu ku dareemo farxado kana dhigo qof qiimo ku dhex leh bulshada.

“Waxaan u arkaa faraheyga iyo suulasha dheeriga ah kuwa nasiib ii yeela, mana doonayo inaan jaro,” ayuu yiri Suthar oo ku qanacsan abuurka Alle ee qurxoon. waxa uu mararka qaar waayaa kabo la eg.

Sida Seynisyahannadu rumeysan yihiin Devendra Suthar, waxa uu ka mid yahay dadka ku dhasha xaaladda Polydactyly, taasi oo saameysa mid ka mid ah 700 illaa kunkii cunug ee kusoo biira adduunka, badanaase waa laga jaraa faraha dheeraadka ah marka cunugu gaaro laba sano.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan