Home / Macluumaad / Switzerland: Shacab doorbiday bixinta £200,000 oo ganaax ah bedelkii ay marti gelin lahaayeen qaxooti
Oberwil.jpg

Switzerland: Shacab doorbiday bixinta £200,000 oo ganaax ah bedelkii ay marti gelin lahaayeen qaxooti

Dad ku dhaqan xaafad kamid ah xaafadaha taajiriinta Switzerland ayaa doorbiday bixinta adduun lacageed dhan £200,000 si ay isaga diidaan 10 qaxooti oo xaafadooda la dejin lahaa.

Dadka degan xaafadda Oberwil-Lieli oo ah mid kamid ah xaafadaha ugu taajirsan qaaradda Yurub ayaa dadka ku dhaqan ay iska diideen in ay ogolaadaan 10 qaxooti ah oo la dejin lahaa xaafaddaa.

Dowladda Switzerland ayaa qorsheysay in 50,000 oo qaxooti ah ay magan gelyo siiso oo dejiso 26da county ee dalkaa.

Hayeeshee Oberwil-Lieli waxaa ku nool 2,200 oo 300 oo kamid ah ay yihiin Milyaneero, waxayna sameeyeen codeyn ah in xaafadooda lasoo dejiyo qaxooti, codeynta ayayna ku guuleysteen kuwa diidanaa qaxootiga oo helay 52% codadkii la tiriyay.

Andreas Glarner oo ah duqa xaafadda Oberwill-Lieli ayaa xusay in diidmada qaxootiga ka dhanka ah aanay ka dhigneyn inay cunsuriyiin yihiin.

Dowladda Switzerland ayaana ku ganaaxday adduun lacageed dhan £200.

Marmarsiiyo ayuuse duqa xaafadda uga dhigay in luuqadda ay ku adkaaneyso dadkaa haddii xaafadooda lasoo dejiyo iyo inay dhiiro gelineyso qaxooti kale inay kasoo tahriibaan dhulalka ay ku nool yihiin.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo nooceeda ah iminka laga soo calaameynayo mid kamid ah deegaanada ay ku nool yihiin hantiilayaasha reer galbeedka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan