Home / Macluumaad / Taabuu: Tubaako casriyaysan

Taabuu: Tubaako casriyaysan

Muqdisho – Sanado ka hor marka aad maqasho erayga Maandooriye durbaba waxa ay maskaxdaadu soo qabaneysay Qaadka, sigaarka, shiishada, tubaakada, Xashiishka iyo  calaqa oo qaab muuqaal ahaan laga dareemo isticmaalayaashooda, hase yeeshee dhageyste bal maleey waxa uu noqon karo maandooriye simay da’yar iyo duqoq – waa taabuugga oo guryaha inta dhaafay gudaha u galay goobaha tacliinta.

Fahamkiisa waa tubaako la farsameeyay oo ay cilmi baarisyada qaar sheegaan iney soo baxday horaantii qarnigii labaatanaad – adeegsigiisa ka duwan maandooriyaha kale, waxaa ku badan da’yar ay ka mid yihiin hablo oo ay badankood ah kuwa ku jira Iskuulada.

Sida uu u garba simay bulshada nuucyadeeda kala duwan waxa kuu sheegi kara ruuxa iibinaya, tusaale mid kamid ah ragga iibiya oo aan la sheekeysanay waxa uu inoo sheegay in qolo walba ay ula baxday magac gaar ah si aan looga dareemin marka ay gadaneyso, isaguna uu ku qasbanaaday inuu la jaan qaado baaqyada kala jaadka ah ee marnaba aadan fahmi Karin mar qura – jeer ay kugu qaadan karto maalmo mid qura hababka xirfadeysan ee loo kala gato.

Arday Jaamacadeed, kuwa iskuul, ragga iyo dumarka tarjuma aflaanta, dhallinta cayaarta kubadda, hablaha muruq maalka ah iyo darawal ama daba ka fuul gari oo lagu daray hablo hawl maalmeedka xaafadda sida dhar dhaqidda u adeegsada ayaa dhammaan ka midaysan qaadashada nuucyada kala giddisan ee tubaakadaan farsameysan, inta ay suurtagal noqoto iney kaala hadlaana kuuma sheegi karaan wax aan ka ahayn fir-fircooni ay ku dareemaan ficillada ay markaas faraha kula jiraan.

Dhanka qolada iibisa kama ag foga faham darrada laga qabo tubaakadaan kuwa iibsanaya, kolka qudhooda aad wax ka weydiiso waxay eedda dusha ka saarayaan ganacsatada waaweyn ee dalka keenna, inkastoo ay dood kale noqoneyso halka uu dalka ka soo galo marka aad maqasho aragtiyada is dhaafsan ee midba meel madaxa kuu gelineyso,

Aasiya ayuu inooga yimaadaa waxa uuna la socdaa badeecadaha ka soo degga gekadda waa aragtiyada qaar, kuwa kale wadamada dariska ayuu innaga soo gala oo garoonka ayaa laga soo dejayaa balse xaqiiqada ayaa ah iney ku lug leeyihiin ganacsato soomaaliyeed oo nuucyo kamid ah lagu soo dul qor af – soomaali.

Waa ka saameen badan yahay inta aad fileyso, waa hal ku dheg ku qoran nuuc kamid ah taabuugga, taas waxay daliil cad u tahay heerka caafimaad ahaan u waxyeeleyn karo ruuxa la qabsada isticmaalkiisa.

“Jir ahaan iyo maskax ahaanba waxa uu leeyahay dhibaato aad u weyn, kuwa  caafimaad waxaa ka mid ah bishimaha oo dillaaca kadibna ay unugyo kale dhashaan sida buro, taas oo noqon karta Kansar (cancer), dhibaatadiisa jismiga kuma eka” ayuu yiri mar aan wax ka weydiinay Dr Cabdullaahi Maxamed Cawaale arrimaha taabuugga.

Inkasta oo uu aad ugu yaryahay bariga Africa haddana waxaad mood baryahaan danbe inuu kamid noqday mushkiladaha ay ka cabtaan bahda waxbarashda, Xuseen Maxamed Cabdulle  waa maamulaha mid kamid ah iskuulada hoose dhexe sare ee Alpha, waxa uu leeyahay “Markaan ka hadlo taabuuuga ardayda  iskuulaadka oo dhan badanaa way isticmaalaan, taabuuga ma fahmi kartid ardayga wuu soo gashanayaa wuxuuna fariistaa kuraasta dambe ee fasalka, annaga waxaa looga dagan sharci”.

Marka ubixii dalka sidaas wada noqdo islamarkaana ay jirkooda baraan maado halkii laga soo saaray laga mamnuucay oo ay warqadaba ku qorantahay waa la dhoofin karaa keliya, sidoo kalana dumarkii noqdaan kuwa ku horreeya isticmaalkeeda bal malee waxa ku dhici kara ummad halbawlihii iyo warshaddii bulshada tubaako cuneyso.

“Bulshada marka laga hadlo dumarka ayaa ku halista badan, waxa uu caqabad ku noqon doonaa dhalmadeeda, uurka ay yeelan doonto, caadada oo ka wareerta” ayuu sii raaciyay Dr Cawaale isaga oo sharraxaad ka bixinaya rag iyo dumar midka ku halista badan.

“Ardayga taabuu isticmaala wax ma baranayo, waxtar ma yeelan doono, waalidka kuma tashan karo, waalidiinta, maamulka iskuulada iyo dawladdaba waa inay u soo wada jeedsanaan sidii wax looga qaban lahaa ” waxa sidaa qaba  Maamule Xuseen

“sida looga baaqan karo waa inay bulshadu  iska wada kaashato, bahda caafimaadka, dawladda iyo ganacsatada, sida ugu fiican waa inay dawladdu qorshe la timaado” waxa sidaas warkiisa ku soo gunaanaday Dr Cabdullaahi Maxamed Cawaale.

Tusaalayaasha aan indhaha ka qaadnay inta aan ku guda jirnay diyaarinta warbixintaan waxa ka kamid ah: Wiil ismadax maray markii uu isaka badiyay isticmaalka taabuugga,  mid kale oo loo sheegay inaan loo daweyn Karin ilaa uu iska dhaafo taabuugga dhaawac lugta uga yaal oo bogsoon waayay iyo hablo aan tallaab u qaadi Karin hawsha guriga ilaa ay ka isticmaalaan taabuugga waa marqaatiyada ku filana inta sahashaneysa ee jirkoodu la qabsaday maadadaan.

Qore: Fardowsa Sheik Abdiraxman.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan