Home / Cayaaro / Taageerayaasha Inter Milan oo lagu wargeliyay in aysan soo dhaweyn Lukaku

Taageerayaasha Inter Milan oo lagu wargeliyay in aysan soo dhaweyn Lukaku

Himilo – Hoggaanka Ururka ay ku mideysanyihiin Taageerayaasha Kooxda Inter Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa ku wargeliyay taageerayaasha in aysan soo dhaweyn u sameyn Lukaku oo kooxda dib ugu laabanaya.

Weeraryahanka ka soo jeeda Bilgiumka ayaa lagu eedeeyay in xagaagii jore uu si xushmad darro ah uga tagay kooxda Inter Milan,iyada oo uu ku jaha wareeray Chelsea iyo Premier League islamarkaana dalbaday dib ugu laabashada Inter.

Guddiga maamula Ururka taageerayaasha ayaa Lukaku ku eedeeyay in uusan ahayn qof qalbi wanaagsan,waxaana ay sheegeen in aysan u riyaaqi doonin haddii uu ku soo laabto kooxda ilaa uu raaaligelin siiyo ama soo kordhiyo bandhig fiican.

Weeraryahanka faashilka ah ayaa dib ugu laabanaya Talyaaniga kaddib markii uu bixiyay wareysi uusan la ogeyn tababaraha Chelsea kana hadlay arrimo uusan xaq u lahayn.

Thomas Touchel oo ah tababaraha Chelsea ayaa xiddigga geliyay keydka ilaa uu warbaahinta raaligelin ka bixiay hayeeshee kuma qanacsaneyn Chelsea.

Inter ayaa qaab amaah ah oo ay xagaaga dambe toos ula wareegi karto kula wareegtay Lukaku,waxaana u careysan taageerayaashii beri jeclaan jiray.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan