Home / Cayaaro / Wax ka ogow taariikhda Bile Muxidiin Buraale

Wax ka ogow taariikhda Bile Muxidiin Buraale

Himilo – Bile Muxidiin Buraale waxa uu sannadkii 1995-kii ku dhashay degmada Hawl-Wadaag ee gobalka Banaadir, isla degmadaasi ayuu ku barbaaray kuna dhammeystay waxbarashada dugsi Qur’aanka, Bile ayaan heerka ugu sarreeya waxbarashada ka gaaray dugsiga sarre kaddib waxa uu u wareegay ciyaaraha oo uu yaraantiisii jeclaa.

Bile Muxidiin oo kamid ah xiddigaha saameynta ugu weyn ku yeeshay kubadda cagta Soomaaliya kaddib burburkii dalka ayaa kasoo bilaabay ciyaaraha salaxa Shiirkoole, isaga oo kamid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ee xilligaasi sida aan caadiga aheyn xirfaddooda usoo bandhigay, kaddib waxaa isaga oo halkaasi ku ciyaaraya la wareegtay naadiga Elman oo lamid dhigtay xiddigaha Junior-ta ee kooxda sannadkii 2009-kii.

Wixii intaasi ka danbeeyay waxaa bilaabmay shumaca aan damiska laheyn ee Bile, sannadkii 2011-kii oo uu dalka dib ugu soo laabtay laacibka isaga oo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu ku biiray naadiga Daallo, intii uu kooxda joogay waxa uu sameeyay farsamooyin iyo gooldhalin aad loogu riyaaqay xitaa sabatay in gu’aasi loo doorto xulka qaranka Soomaaliya, isla sannadkaasi Bile ayaa kooxda Daallo kula guuleystay koob munaasabad ah isaga oo sidoo kale naadigiisa kaa saaciday kaalinta labaad ee horyaalka oo wakhtigaasi hanteen Elman.

Sannadkii 2012-kii, Bile ayaa kamid noqday naadiga Saxafi, isla sannadkaasi kooxda Saxafi ayaa safar dibadda ah u aaday iyaga ka qeyb galay tartanka Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Komorooss. Balse nasiib xumo wixii intaasi xigay waxa ay dhaceen horyaalka heerka labaad ee dalka.

Sanaddii 2013, kooxda Saxafi ayaa dib ugu soo laabatay horyaalka heerka koowad ee dalka ka gadaal markii ay soo hanteen horyaalka Seria B, isla wakhtigaasi laacibkaan ayaa si shaqsi ah ugu guuleystay gooldhalinta.

Wixii intaasi xigay sooyaalkiisa kubadda cagta waxa uu noqday mid sii fida, waxa uu u ciyaaray dhowr koox sida Dekedda, Muqdisho City Club, Heegan, Gaadiidka iyo Madbacadda.

Mid kamid ah kooxahan ayuu kula guuleystay tartanka Jeneraal Daa’uud waana naadiga Muqdisho City Club ama Minishiibiya isaga oo bar dhammadka ka adkaaday kooxda Horseed.

Sannadkii 2011-kii, Bile Muxidiin ayaa kamid noqday xulka qaranka Soomaaliya, wuxuuna kulankiisii ugu horreeyay magaalada Nairobi kula ciyaaray dalka Rwanda kulan ka tirsanaa tartanka Cecafa, Bile ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah weeraryahanadii ugu wanaagsanaa ee xirta maaliyadda qaranka kaddib burburkii, isaga oo tiro goolal ah kasoo dhaliyey dalalka uu wajahay intii huwanaa heybadda qaranka.

Laacibkaan intii uu kamid ahaa xiddigaha qaranka waxa uu kasoo ciyaaray dalal dhowr ah sida Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Rwanda, Niger iyo Sudan, Bile ayaa leh xusuus ayna iloobi doonin dadka xiiseeya kubadda cagta Soomaaliya.

WQ: Maxamed Xasan Maxamed Owen

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan