Home / Cayaaro / Taariikhda Cabdi Joon

Taariikhda Cabdi Joon

Himilo – Cabdi Wali Maxamed Maxamuud waxa uu ku dhashay magaalada Burco ee gobalka Togdheer, sannadkii 1975-kii, waxa uu kusoo barbaaray magaalada Muqdisho oo uu inta waxbarashadiisa maadiga ku qaatay isaga oo dugsiga hoose iyo dhexe kaga aflaxay iskuul Kaaraan halka midka sare uu kaga baxay Maxamuud Axmed Cali.

Wixii intaasi ka danbeeyay Cabdi Joon ayaa u wareegay dhinaca ciyaaraha oo uu aad u jeclaa yaraantiisa, isaga oo kamid ahaa dhallinyarada kubbadaha kasoo qaban jirey garoonka Istaadiyow Muqdisho intii u dhaxeysay 1986 ilaa 1988-dii.

Sannadkii 1994-kii, waxa uu kamid noqday ciyaartoyda degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir isaga oo kala qeyb galay dhowr tartan degmo oo goorahaasi la qabtay, isla sannadkaasi ciyaaroyda gobalka Banaadir ayaa loo xushay xiddigan.

Sanaddii 1995-kii, Cabdi Joon ayaa kooxda Muuris kula guuleystay koobka degmooyinka oo ay bar dhammaadka ka adkaadeen degmada Dharkeynley, isla sannadkaasi naadiga Muuris ayuu safar dalka Tanzania ah u raacay.

1997-kii, waxa uu kamid noqday naadiga STS oo aheyd koox laga lahaa dalka Bangaaladheesh, sannadkaasi Elman ayuu safar dibadda kala qeyb  galay tartan waagaa lagu qabtay dalka Zanzibar.

Xilli ciyaareedkii 1997-kii ayuu ku biiray kooxda Elman oo aheyd midda uu magaca ku sameeyay, intii uu joogay waxa uu la qaaday hal koob Jeneraal Daa’uud iyo hal horyaal oo uu kula guuleystay sannadkii 2003-dii.

Sidoo kale waxa uu kasoo ciyaaray dibadda, oo waxa uu kamid ahaa koox ka dhisan dalka Jabuuti oo lagu magacaabo Boorka ama Dekedaha, intii uu joogayna waxa uu la hantay hal koob. Dhowr safar ayuu dibadda u tegay isaga oo wehlinaya kooxo kala geddisan sida Midnimo, Elma, Dekedda iyo Banaadir Telecom oo goor danbe loo asteeyay Muqdisho City Club.

La soco qeybta xigta ee ka hadleysa waayahiisa qaranka iyo tababarnimo Insha Allah

WQ: Maxamed Xasan Maxamed Owen

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan