Home / Cayaaro / Taariikhda Ciyaaryahan Ismaaciil Sinigaal

Taariikhda Ciyaaryahan Ismaaciil Sinigaal

Himilo FM – Ismaaciil Malaaq Abukaar oo ku caan baxay magaca Sinigaal waxa uu ku dhashay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir sannadkii 1968-kii isaga oo ku barbaaray degmada Wadajir, waa mid kamid ah ciyaatoydii ugu cajiibsaneyd ee ka ciyaarta xagga danbe ee daafaca waxa uu ka tirsanaa kooxda Batroolka iyo xulka qaranka Soomaaliya.

Sinigaal waxa uu ahaa laacib aad ugu wanaagsan ciyaarista kubadda cagta waxa uu kubadda kusoo biirey isaga oo 14 jir waxa uu kamid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsanaa ee xaafadaha degmada wadajir taasi waxay keentay in isla markiiba uu kamid noqdo naadiga wakaaladda Batroolka Umadda ee Fc Batroolka. Intii uu joogay kooxda Batroolka waxa uu kula guuleystay koobab dhowr ah sida kuwa munaasabadaha iyo koobka General daa’uud oo uu qaaday sannadkii 1986-kii.

Sinigaal ayaa xulka qaranka kusoo biirey dhammaadkii todobaatamaadkii waxa uu kamid noqday ciyaartoyda juunyarta qaranka kaddibna waxaa uu suura galay in uu kamid noqdo laacibiinta waaweyn ee xiddigaha Badweynta, ciyaartiisii ugu horreysay waxa uu la ciyaaray dalka Kenya kulan ciyaareed ku idlaaday barbaro 1-1 ah.

Guushii ugu weyneyd ee uu la gaaray xulka waxaa kamid ah kulan ay ku adkaadeen 5-2 ciyaar ay ka hortageen qaranka Murataaniya. Safarada uu banaanku kusoo ciyaaray waxaa kamid ah dalaka Kenya, Ugandha, Zanzibar, Tanzania, Rwandha, Burundi, Masar, Yaman iyo dalal kale.

Guulaha gaarka ah uu la gaaray xulka qaranka Soomaaliya waxaa kamid ah mar ay galeen kaalinta labaad xilligaasi oo ay kama danbeysta la ciyaareen qaranka Ciraaq tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ismaaciil Sinigaal ayaa kamid noqday laba ciyaaryahan oo Soomaali ah oo nasiib u yeeshay in loo xulo ciyaaryahanno matalaya Carabta Africa iyo Carabta Asia waxaa ku wehliyey Muriidi Abanuur Abati sannadkii 1986-kii, inkastoo ugu danbeyn ay tartanka la dabaal degeen ciyaartoydii mataleysay magaca Carabta Asia.

Ismaaciil Sinigaal ayaa ciyaaraha kaga fariistay naadiga Elman dhammadkii 1990-kii.

About Ahmed Haaddi

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan