Home / Haweenka / Taariikhda Faaduma Cali Jaamac Nakruumo
AUN Faaduma Cali Nakruuma

Taariikhda Faaduma Cali Jaamac Nakruumo

Himilo – Magaca Nakruuma waxaa u bixiyay macalin korneyl Masaari ahaa oo laga soo bedelay dalka Ghana – isaga oo barbar-dhigaya RW iyo MD hore ee dalka Ghana, Kwame Nkruma oo ahaa waddani qeyb kasoo qaatay xornimo u raadinta dalkiisa.

Ku biiritaankeeda Fanka:

Sannadkii 1964-kii markeedii ugu horreysay waxa ay ahayd askari katirsan ciidanka XDSoomaaliyeed. Waana mid kamid ah gabdhihii ugu horreeyey ee ku biira Xoogga Dalka. Isla xilligaas ayay fanka kusoo biirtay oo ay fannaan u ahayd ciidanka – sidoo kalana kamid ahayd kooxda fanka.

Sannadkii 1973-kii waxaa la isku biiriyay kooxihii fanka ee Ciidanka XDS, Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho oo loo bixiyay Hobollada Waaberi.

Riwaayaddii ugu horreysay oo ay ka qeyb noqoto waxay ahayd Ma maanta iyo fadhi baa;, Qabyo1 oo uu lahaa Abwaan Singub iyo Aabahay Ka samraye Adiga oo gaaxdeeda uu lahaa Maxamed Cali Kaariye oo lagu naaneysi jiray Dhaqtarkii Jaceylka.

Heesta Shicibyahow Wanaagsan ayaa ah middii ugu horreysay oo ay ku luuqeyso. Heesaha kale oo ay qaaday waxaa kamid ah; Xoogga Dalkaa Mahadleh, Naftaydii gabay, Dib baa loo noqonayaa, Darajiyo Xil-yaa-mudan, Gam’i waayay, Ragow waataad na dhibteen, Iga sib Gantaalaha iyo kuwo kale.

Burburkii kadib – sannadkii 1991- Nakruuma waxay u qaxday qurbaha. Waxaana xusid mudan inay ahayd fannaanad si weyn u jecel bahda fanka oo gurigeeda uu gole soo dhaweyn u noqday fannaaniinta Soomaaliyeed.

Faaduma alle ha u naxariistee (AUN) waxay COVID-19 ugu dhimatay maanta sida la xaqiijiyay Isbitaalka Martiini oo maalmihii la soo dhaafay lagu dabiibayay. Waxaa lagu xasuusan doonaa dal-jaceylkeedii iyo dhiiri galinteedii nabadda ee ay waday taniyo markii ay dalka ku soo guryo noqotay sanadkii 2018.

Xigasho: buugga Haldoorrada haweenkeenna

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan