Home / Cayaaro / Taariikhda halyey Bashiir Jeenyo

Taariikhda halyey Bashiir Jeenyo

Bashiir Cilmi Maxamed waxa uu ku dhashay degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir sannadkii 1955-kii, waxa uu kamid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta dalka inta la xasuusto.

Bashiir waxa uu ahaa shaqsi jecel in uu meel sare ka gaaro waxbarashada,inkastoo uu ku hakiyey dugsiga sare, waxa uu dugsiga hoose ku dhameystay iskuulka 15 May, halka midka dhexe uu kaga baxay iskuulkii Xamar, isaga oo ugu danbeyn dugsiga sare ku qaatay iskuulkii Bartmaha ee ku yiilay degmada Boondheere, kaddib waxa uu u wareegay ciyaarista kubadda cagta oo uu aad u jeclaa yaraantiisii.

Bashiir Jeenyo oo lagu tilmaamo khadkii dhexe ee ugu wanaagsanaa naadiga Jeenyo, waxa uu kubadda cagta soo galay isaga oo aad u yar, waxa uu qeyb ka ahaa dhalinyaradii kusoo shaac baxay garoomada bacaadka xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Sannadkii 1970-kii ayuu ka qeyb galay ciyaarihii iskuulada gobalada, isaga oo sannadkaasi ku guuleystay ciyaarahaasi, isla sannadkaasi waxa uu ku guuleystay horyaalka heerka labaad ee Seria B, waxa uu la qaaday kooxdii la oran jirey Xamar Jadiid oo markii danbe loo bixiyey Badda. 1971-kii waxa uu kamid noqday naadiga Bangiga waxayna aheyd kooxdii ugu horreysay ee uu kala qeyb galo horyaalka heerka koowaad ee dalka isaga oo halkaasi kusoo bandhigay farsamooyin loo riyaaqay, 1971-kii waxaa u suura gashay in uu kamid noqdo naadiga Jeenyo.

Bashiir ayaa Jeenyo kusoo bandhigay gool dhalin iyo kubad caawin, waxayna dadkii berigaa daawan jirey ahaayeen kuwa aad u jecel habdhaqankiisa ciyaareed, intii uu joogay kooxda waxa uu kula guuleytsay koobab badan sida lix Jeneraal Daa’uud iyo hal horyaal, waxa uu safaro ciyaareed oo dibadda ah kala qeyb galay Jeenyo inkastoo uusan koobab kula guuleysan.

Kooxihii uu dibadda kula soo ciyaaray waxaa kamid ahaa Al Hilaal, Samaalik, Al-Ahli, KCC iyo Gor Mahia Football Club sidoo kale naadiga Horseed waxa uu kala qeyb galay safaro ciyaareed oo banaanka ah, kulamadii uu ciyaaray waxaa kamid ahaa ciyaar final ah oo uu la dheelay kooxda Gor Mahia Football Club, waxaana loogu adkaaday 2-1,inkastoo uu goolka madiga ah dhaliyey, sanaddii 1982-kii waxa uu soo gabagabeeyay u ciyaarista kooxda Jeenyo oo uu in mudda ah u ciyaarayey.

Sanaddii 1972-kii ayaa loo magacaabay xulka qaranka Soomaaliya waxa uu ciyaartiisii ugu horreysay kahor tagay dalka Liibiya oo uu kula ciyaaray magaalada Tariibuli ee caasimadda dalkaasi waxayna ciyaartaasi ku adkaadeen natiijo 2-1 ah. Intii uu ka tirsanaa xulka waxa uu kasoo ciyaaray dalal dhowr ah sida Kenya, Ugadha, Itoobiya, Burundi, Sudan, Yeman, Tanzaniiya ,Liibiya, Imaaraatka, Masar, Italy iyo dalal kale oo dhowr ah.

Sannadkii 1982-kii, Bashiir ayaa ka tegay dalka isaga oo gaaray dalka Qadar halkaasi ayuu kasii amba qaaday xirfaddiisa waxa uu ku biiray koox lagu magacaabo Al-Nahda oo ka dhisan Qadar waxa uu kasoo saaray horyaalka heerka labaad iyaga oo ku guuleytsay horyaalkaasi,waxa uu kooxdaasi la joogay muddo lix sanno ah, kaddib Bashiir ayaa isaga tegay kooxda Al-Nahda waxa uuna caga dhigtay mid kamid ah kooxaha ciidamada dalka Qadar  isaga oo kula guuleystay afar horyaal oo ah kuwa ay ciyaaraan kooxaha ciidamada.

Sannadkii 1987-kii waxaa soo idlaaday waayihii ciyaaraha ee Bashiir Jeenyo, waxa uu kubadda cagta ku jirey intii u dhaxeysay 1970-kii ilaa 1987-dii, waana mid kamid ah laacibiintii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta Soomaaliya, Taarikhda ayaa xusi doonta.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed Owen

About Ahmed Haaddi

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan