Home / Caafimaad / Taariikhda iyo Wax-ku-oolnimada Hidde-sidaha DNA

Taariikhda iyo Wax-ku-oolnimada Hidde-sidaha DNA

Himilo— Duni tuhunka iyo dhayalsiga xaqiiqooyinka ay mararka qaar halis iyo sumcad-dil ku keeni karaan nolosha iyo sirooyinka ka dhaxeeya qoysaska ama laba wada dhashay, hidde-siduhu wuxuu noqonayaa midka ugu habboon iyo toobiyaha saxda ah ee lagu kala ogaan karo xaqiiqada.

Waxaana uu u muuqda mid kamid ah iqtiraacaadka ka hirgalay adduunyada si weynna looga mahdiyay.

Hiddesidaha afka qalaad lagu yiraahdo DNA waa isku-dhiska ama murakabka ugu weyn oo lagu baaro hab-dhiska hidde-sidkaada si loo fahmo qofka aad tahay! Waana midka ugu weyn uguna caansan bayooloji ahaan isku-dhisyada ama murakabaadka oo dhan.

Wuxuu dhabtii si aan kala dheereyn usoo saarayaa isku-dhiska hiddeside oo uu cunug walba ka sito labadiisa waalid. Waxaa sidoo kale ku cabaysan waxa qof walba uu goonnidiisa kaga duwan qof kasta.

Laakiin ujeeddada kaliya iyo howsha qura oo lagu baaro hiddesidku ma ahan wada-dhalashada iyo sugnaanta. Robert Plomin, oo marqaatiga PhD ka heysta cilmiga kasmo-nafeedka ee Machadka King’s College London, waxay la tahay in mustaqbalka loo socdo uu goor hore soo dhawaaday. Xog-cilmiyeed uu ku daabacay Buugga Blueprint: sida DNA u sheegay waxa aynu nahay, wuxuu ku xusay in timaadada soo food leh si fudud lagu ogaan doono kobaca garashada iyo jirka qofka durba marka la dhalo.

Adeegsiga hidde-sidka ayuu tilmaamay inuu noqonayo lama huraan; la heli karo, 10-sano kaddib, oo ay qasab tahay in qof walba laga baaro durba marka uu dhasho.

Si kale marka loo dhigo, DNA wuxuu goor hore sahlay in lagu soo saaro nuuca garashada qofka ama IQ iyo in ubadku ay caqliga 50% ka dhaxlaan waalidkii dhalay; waxaa kale oo lagu ogaaday in cudurrada la iska dhaxlo karo sida autism-ka laga hidde-raaci karo waalidka 70%.

Robert wuxuu xoojinayaa daahfurka horumarka laga gaaro fahamka hiddesidka DNA inuu sahli doono go’aan ka qaadashada qofka oo ku saleynaya natiijada uga soo baxda tijaabada.

Qiimaha baariska DNA waxaa meelaha, la is oran karo waa ugu jaban yahay, uu ka kacayaa inta u dhaxaysa 300-500$.

Somaaliya waxaa aad ugu yar adeegsiga iyo helidda xarumo gaar ku ah baarista iyo tijaabada DNA. Waloow aan la heyn tirakoob sugan oo lagu ogaaday baahida madaniga ah oo bulshadu u qabi karto baarista iyo maritaanka hidde-sidka, haddana sannadihii dhawaa wuxuu bahda caafimaadka u lahaa mudnaan sarreysa.

Si kastaba, daba-yaaqadii 1800, ayay ahayd markii Frederich Miescher, oo ah Biochemist u dhashay Switzerland uu galiyay tijaabadii ugu horreysay. Qarni kaddib, seynisyahannada ayaa ogaaday baahida aas-aasiga ah oo hiddesiduhu ugu fadhiyo cilmiga noolaha.

Sannadkii 1953 ayaa, ugu dambeyntii si weyn loogu dabaal-degay muhiimadda uu DNA-gu ugu fadhiyo horumarinta iyo joogteynta tayada caafimaadka.

Dhaqan ahaan, Somaalidu aad buu ereyga hidde-side qeyb uga ahaa geeddi-socodka noloshooda, waxaana qofka ku caan baxa hibo lala dhaco loo fishaa aalaaba mid uu ka hidde-raaco ab-ka-ab awoowayaashiis. Laakiin, weji kale ayuu casriga la yeeshay oo ay tahay inay ula qabsadaan si cilmiyaysan.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan