Home / Aragtida Islamka / Taariikh kooban oo ku saabsan AUN Sheekha Cusmaan Xiddig

Taariikh kooban oo ku saabsan AUN Sheekha Cusmaan Xiddig

Himilo – Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Caalimkii weeynaa ee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig).

Maalmihii la soo dhaafay ayuu Sheekhu ku xanuusanaa Magaalada Muqdisho halkaa oo ugu dambeytii ku geeriyooday sida eheladiisu  xaqiijiyeen.

Taariiq kooban oo ku saabsan sheekha Cusmaan Xiddig

Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daauud oo ku magac dheeraa sheekh Cisman xiddig waxa uu ku dhashay dagmada ceeldheer oo ka tirsan gobolka galgaduud sanadkii 1942.

Sheekhu waxa uu ka soo jeedaa qoys diimeed aad loogu tixgaliyo diinta iyo qur’aanka kariimka, isaga oo 11 jir ah ayuu bartay qur,aanka kariimka waxaana macalin u ahaa Aabihiis sheekh Cumar Sheekh Daauud Kaddib markii uu qur’aanka bartay waxa uu guda galay barashada kutubta diiniga ah, waxaa macalin iyo sheekh u ahaa adeerkii Sheekh Cabdullaahi Culusow oo heystay masaajidkii ugu weynaa ee dagmada Ceeldheer sida uu sheegay sheekh Maxamuud OW Cabdulle Cariif oo kamid ah xerta sheekh Xiddig.

Sanadkii 1960 ayuu Muqdisho yimid sheekhu si uu cilmiga u siyaadsado, mudo kaddib waxa uu tagay dagmada Baardheere halkaa uu kabartay cilmiga fiqiga, intaas kaddib sheekhu waxa uu ku laabtay dagmada Ceeldheer halkaas oo uu ka furay mowlac diinta lagu barto.

Dhowrkii sano ee ugu dambeeye sheekh Cisman Xiddig waxa uu ku noolaa magaalada Muqdisho oo ugu dambeystii ku geeriyooday Alle ha u naxariistee.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan