Himilo – Ellen Johnson sirleaf waa madaxweynihii 24aad ee dalka Liberia iyo haweeneydii ugu horreysay ee dal African ah madaxweyne loogu doorto, bishii May ee sanadkii 2012-ka.
Sirleaf lix sanno ay ku bixisay sidii dalkeeda uu uga bixi lahaa dagaalkii sakeeye una heli lahaa maal-galin dibada ah arintaa oo ay siweyn ugu soo caanbaxday.
Taariiq nololiidka Ellen Johnson sirleaf,
Waxay dhalatay 29 bishii October sanadkii1938, waxay ku dhalatay magaalada Monrovia ee dalka Leberia. Waxay soo noqotay madaxweynaha Liberia intii u dhaxeyse ‘2006 illaa 2018’. Waa haweeneydii ugu horreysey ee dal African ah doorasho ku qabsata.
Sirleaf sanadkii 2011 waxay ku guuleysatay billadda nabadda adduunka oo ay ku heshay dadaalkii ay ku bixisay dalka Liberia
Waxbarashadeedii
Johnson sirleaf goobtii ugu horreysay ee ay wax ka barato waxay aheyd machadka west Africa ee ku yaal magaaladii ay ku dhalatay ee Monrovia, sanadkii1961 waxay waxbarasho u aaday dalka Mareykanka oo ay ku soo baratay maamulka dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Kadib markii ay soo qaadatay darajada labaad ee waxbarashada sanadkii 1971 waxay ku biirtay xafiisyada dowlada Liberia
Qaabkii ay doorashada ugu guuleysatay
12 sanno oo dalka Liberia ay dagaalo ka socdeen Johnson waxay ku nooleyd dalka Kenya halkaa ooay hey’ado caalami ah ugu shaqeysay sida Bankiga Adduunka.
Ugu dambeytii waxay madaxweyne ka noqotay dalka Liberia intii u dhaxeysey 16 bishii sanadki 2006 illaa 22 bishii January sanadkii 2018.
W/Q: Cali Cabdullaahi Hilowle
Hi there! I could have sworn I’ve been to this blog before but after browsing through some of the post
I realized it’snew to me. Nonetheless, I’m definitely happy I found it and I’ll be bookmarking andd checking back frequently! https://www.waste-ndc.pro/community/profile/tressa79906983/