Home / Cayaaro / Tababaraha kooxda Barcelona oo codsanaya in Messi dib loogu soo celiyo Camp Nou

Tababaraha kooxda Barcelona oo codsanaya in Messi dib loogu soo celiyo Camp Nou

Himilo – Laacibka reer Argentina ayaa xagaagii hore beeca xorta ah uga tagay Camp Nou sababo la xiriira dhanka dhaqaalaha kooxda.

Wuxuu ku biiray kooxda ugu tunka weyn horyaalka France ee PSG, balse Messi ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ku laabanayo Barcelona.

Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 11 gool sidoo kale caawiye ka noqday 15 gool 34 kulan oo uu saftay, wuxuu la kulmay xaalad adag.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Xavi uu raadinayo ciyaartoy ay ka mid yihiin Bernardo Silva iyo Messi, kuwaasoo awood u leh inay ciyaarta u ciyaaraan sida uu qabo tababaraha Barcelona.

Kooxda reer Catalonia ayaa laga yaabaa inay sugto ilaa qandaraaska Messi ee PSG uu dhacayo sanadka soo socda si ay ula soo wareegaan 35 jirkaan.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan