Home / Cayaaro / Tababaraha Wolves Bruno Lage: Ruben Neves ayaa u qalma in ka badan 80 milyan ginni

Tababaraha Wolves Bruno Lage: Ruben Neves ayaa u qalma in ka badan 80 milyan ginni

Himilo – Tababaraha kooxda Wolverhampton Wanderers Bruno Lage ayaa sheegay in kooxaha doonaya xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves ay diyaar u moqdaan in ay bixiyaan lacag ka badan 80 milyan oo gini.

Qandaraaskiisu Neves ayaa dhacayo 2024, balse waxaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Molineux iyadoo la sheegay in tababaraha mustaqbalka Manchester United Erik ten Hag la sheegay inuu xiiseeyo.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal lagu heli karo lacag dhan £40m hadii uu doorto in uu u kordhiyo sii joogida kooxda Wolves.

Si kastaba ha ahaatee, markii wax laga waydiiyay arrinta shirkii jaraa’id ee Khamiista, Lage ayaa soo jeediyay in 25-jirka uu leeyahay tayo sare oo saxiixiisa lagu qaadan karo ka dhigeysa 100 milyan ginni.

Barcelona ayaa sidoo kale la sheegay inay isha ku heyso xaalada xiddigan, warbixin horraantii isbuucan soo baxday ayaa lagu sheegay in Camp Nou uu yahay halka ugu macquulsan ee Neves.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan