Home / Macluumaad / Tahriibku xal ma u yahay xaaladda ka sii dareysa ee dhallinyarada?

Tahriibku xal ma u yahay xaaladda ka sii dareysa ee dhallinyarada?

Himilo – Soomaaliya dhibaatada ugu badan waxay ku dhacdaa dhallinyarada marka loo fiiriyo dhinacyada ku loolamaya dalka iyo shaqo la’aanta guud ee dalka ka jirta. Keliya shaqo la’aanta ma ahan cunsurka keliya ee dhallinyarada ku dhiirigaliya inay tahriibaan, sidoo kale waxaa jira qeybo kamid ah da’yarta oo ay u suuragashay inay tagaan Qaaradaha Europe iyo America kuwaa oo ku dhiirigalinaya asxaabtoodii ay dalka uga tageen inay ku soo dhiiradaan safarka dhibka badan ee badaha lajiirayo iyagoo u soo diraya sawirro ay ku soo galeen goobo dalxiis balse  qatarta ka horreysa ayay intabadan qariyaan sawiradaas.

Sababta keenta inay tahriibaan dhallinto waa noocyo badan tahay, waxaa ka mid ah shaqo la’aanta dhaqaale xumada, noloshii oo aan fadhin, nidaamka waxbarasho oo liita, baraha bulshada oo ah cunsur dhawaan gal ah iyo amnidarrada oo mararka qaar rajo beel keenta. Dhamaan dhibaatooyinkaas waxay kordhiyeen tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Inkastoo sanadihii ugu dambeeyey ay aad u yaraadeen dhalinyarada ku tahriibta waddada qatarta badan ee Libya hadana waxaa jira waddooyin kale oo si weyn hadda loo isticmaalo kuwaas oo intii hore ka qataryar balse ka dhaqaalo badan marka loo eego safarka lacagta ku baxeysa. Libya oo ah marinka tahriibayaasha iyo isku xiraha Europe iyo Africa qatarta ka jirta kaliya ma’aheyn midda badda lagala kulmayo balse waxaa jira koox maafiyo ah oo dadka af-duub u qabsada si ay dhaqaalo badan uga sameeyaan mararka qaarna waxaa dhici karta halkii qof in uu u gacan galo dhowr koox oo lacago kala duwan ka qaata.

Hadii ay u sooragasho dhallinta qaar inay ka badbaadaan qatarta Magafaha waxaa ka sii horreeya qatarta badda oo ah halka ugu badan ee dhallinyaro badan ku geeriyoodeen. Inkastoo qatarahaa badan ay maraan hadana waxaa jira qaar badan oo si dhaqsi ah u hilmaama dhibaatooyinkii ay soomareen kuwaas oo ku dhiirigaliya saaxibadoodii dalka ay uga tageen inay soo galaan safarka qatarta badan.

Qiyaastii lacag dhan 20,000 doollar ayaa uga baxda waalidka ay caruurtoodu galaan safarkaa qatarta badan tiiyoo ay u siidheertahay jirdil iyo dhibaato joogta ah.

Inkastoo haatan uu aad u yaraaday safarka tahriibka ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku maraan dalka Libya hadana waxaa sii xoogeysanaya waddada Turkiga oo ah jid cusub oo furmay wixii ka dambeeyey dagaalkii Syria, socdaalka tahriib ee dhallinta maraya waddada Turkiga ayaa hadda siweyn looga dareemayaa gudaha Muqdisho iyo goobaha tikidyada laga jaro oo ah halka ugu badan ee isku xira dhallinta iyo muqalasiinta.

Si qatartaas joogtada ah looga badbaado waxaa lama huraan ah in nidaamka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee dalka ka jira isbadal dhab ah lagu sameeyo si jiilalka dambe looga badbaadiyo qatarta lagala kulmo safarka tahriibka

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan