Himilo – Mudanayaasha golaha sharci dejinta Taiwan ayaa ka doodayay hindise ahaa in xayiraadda laga qaado hilibka doofaarka iyo midka Lo’da ee looga soo dhoofiyo Mareykanka, markii xasiloonidii kulanka ay luntay.
Xildhibaano ka tirsan xisbiga mucaaradka KMT ayaa haragga iyo mindhicirka doofaarka ku tuuryeeyay mudanayaal muxaafad ah oo hadal jeedinayay, kuwaas oo iyaguna ku jawaabay ficil la mid ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ismaamulkaasi.
Muqaalo laga soo qaaday ayaa lagu arkay qaar ka mid ah uur ku jirta Doofaarka oo ku firirsan Katiifadda guduudan ee hoolka baarlamaanka.
Tsai Ing-wen, haweeneyda madaxda ka ah dalkaasi iskii ismaamula, ayaa gacan ka hadlkaasi kaddib qoraal soo dhigtay facebook-eeda iyada oo leh, “Waan ogahay in lagu kala afkaar duwan yahay, laakiinse tani waa mushkilad hortaagan xisbi waliba, in la ogolaadana waxey muhiim u tahay suuqa kumana qasbana dadka iney cunaan hilibkaasi”
Muranada gacan ka hadalka ah kuma cusba golaha baarlamaanka Taiwan, 2017-kii ayey ahayd markii xildhibaano ay isku garaaceen kuraas iyo caagado biyo, kaddib markii ay ku murmeen mashruuc kaabe dhaqaale ahaa.