Talat Arab,oo 39 jir ah, ayaa isticmaalay qalab u sahlayay inuu fariimo ka helo qof joogay dibadda xilli uu ku sugnaa qolka imtixaanaadka xarunta tijaabaadka dhigaaleed ee Bermingham.
Imtixaan qaade ayaana arkay bishii December Talat oo shakisan shucuur kalena ay ka muuqato wuxuuna ka saaray xarunta imtixaanka, hayeeshee bil kaddib ayuu ninkan soo dalbaday imtixaanka gaari kaxeynta, waana la xiray markuu tegay xaruntan ku taalla Bermingham.
Arab ayaana muteystay lix bilood oo xarig ah kaddib markuu qirtay fal danbiyeedka qisheed oo maxkamad loola tiigsaday.
Sanad walba waxaa dhaca in ka badan 300 oo fal oo qiyaano iyadoo la adeegsanayo aaladda Bluetooth.
Saacado, Koobab iyo qalimaan ku xiriirsan aaladda Bluetooth ayaa marwalba loo isticmaalaa in wax lagu qisho, walow xarunta imtixaan qaadista wadista gaadiidka ay shaacisay inay feejignaan xoogan muujin doonaan marka ay imtixaanada iyo tijaabooyinka qaadayaan.